BALIGUBADLE MEDIA
Faah faahin ku saabsan Gaadiid Xamuul ah oo lagu gubay dulleedka magaalada Beledweyne
December 11, 2017 - Written by admin

Faah faahin dheeraad ah ayaa ka soo baxaya Gadiid Xamuul ah oo Al-shabaab ay ku gubeen deegaanka Maroodile oo ka tirsan magaalada Beledweyne.

Gadiidka ayaa la sheegay in ay ku sii jeedeen gobollada Baay, Bakool iyo deegaano ka tirsan ismaamul Soomaalida Itoobiya.

baladwayn

Wararka ayaa sheegaya in Al-Shabaab ay gawaarida u adeegsatay Qoriga Baasuukaha iyo basiin, si ay u gubaan dhamaan Lix Gaari iyo badeecadda saarnayd.

Guddoomiye ku-xigeenka dhinaca Amniga iyo siyaasada ee maamulka degmada Beledweyne Maxamuud Cali Maxamed ayaa warbaahinta u sheegay in Al-shabaab ay gubeen Lix Gaari oo kuwa xamuulka qaada ah oo ku sii jeeday deegaanno hoostaga Ismaamulka Itoobiya iyo gobollada Baay iyo Bakool.
Dhinaca kale ciidamo ka tirsan Xoogga dalka ayaa ku baxay deegaanka ay Al-Shabaab ku gubeen gawaarida siday shixnada ganacsi.

Al-Shabaab oo sanado ka hor go’doomiyay deegaano ka tirsan Gobolada Koofurta iyo bartamaha ayaa dhowr jeer gubay gawaari raashin iyo badeeco kala duwan siday oo ku sii jeeday deegaanada horay loogala wareegay.

Isha Ku Hay Baligubadlemedia

COMMENTS