BALIGUBADLE MEDIA
F A A LLo Hal Waa Muuse Iyo Aragtidiisa Doorashadii Dalka Kadhacday. Halla Waa Muuss Iyo Xukumadiisa….
December 15, 2017 - Written by admin

Waxaan si kooban sawir uga bixin doonaa laba qodob oo aynu ku falanqayn doono laba arimood oo iiga muuqday sawirka guud ee hogaaminta Md Muuse Biixi Cabdi..
balaaki
Labadaa qodob ee aynu faalayn doonaa waxay kala yihiin Muuse Iyo Xukumadiisa uu maalintii shalay 14/12/2017ka uu ku dhawaaqay.

Midna waa Md Muuse iyo Aragtidiisa uu ka aaminsanahay Doorashadii dalka kadhacday..
Hadaba hadaan ku horeeyo Aragtida uu Md Muuse Biixi ka haysto doorashadii Madaxwaynaha ee Dalka ka qabsoontay
Markaan dhegaystay ama aan dhuuxay
Ama iiga baxday aniga iyo in badan oo iga aragti iyo aqoon badan oo Reer Somaliland ahba…

Waxa uu Md Muuse Biixi Cabdi u haystaa doorashadii Dalka kadhacday inay Reero ama Beelo ama qabaa’il ku tartamaayeen
Oo aanay Xisbiyo tartamaynin
Taana waxaa Markhaati ka ah Khudbadii uu Md Muuse Biixi Cabdi ka jeediyay madashii xilwareejinta oo iyadoo ay hareeraha ka tubanyihiin wufuudii caalamka ee caleema saarka kasoo qayb gashay ayuu yidhi

Qolyihii cabanaayayna wada hadal ayaa na dhexmaray Salaadiintiina waanu heshiinay heshiiskayagiina Golahayga ayuu ka muuqan doonaa…
Qolyihii wufuuda ahaa ee xaflada joogay waabay yaaci gaadheen oo waxaabay isyidhaaahdeen meeshaba Beelo gadoodsan ayaba idiinkusoo geli

Waana sida qof wal Wixii meesha uu yimi magac kale looga sheegaa uu dareemi lahaa hadaba dhawaaqaasi wuxuu dhaawac wayn gaadhsiiyay hanaankii Dimuqraadiyada Iyo maamuuskii xisbiyada Qaranka sidookale waxaa laga yaabaa inay hoos u dhigto Aragtida Dimuqraadiyada ee Beesha caalamku ka Qabtay Somaliland markaad iskusoo ururiso
Waxa meeshaa kasoo baxaya Sawir aan qurux badnayn

Oo marka hogaamiyaha Dalka uu kasoo yeedho hadal u dhigan inay beeshiisa iyo beel kale tartameen oo beeshiisu ka adkaatay beeshii kale siday beeli beel u xukumaysaa? aya soobaxays…

Hadaan halkaa kaga imaado aragtidaa aan fiicnayan
Bal hada aan iyana si kooban qalinka usaaro
Xukumadda uu Md Muuse Biixi Cabdi shalay ku dhawaaqay markaan ka eegay dhinacayo badan dhinaca miisaanaka masuuliyiinta uu magaacabay
Markaan ka eegay dhinaca isu dheelitirka gobolada ama beelaha aynu wax ku qaybsano
Markaan ka eegay dhinaca aqooneed ee in badan oo kamida Golaha wasiiradda cusub
Waxaa isoo baxday suaasha ah Md Muuse xukumada caynkee u eeg ayuu soodhisay?

Waxaana isoo baxday jawaabta ah Md Muuse Biixi Cabdi Wuxuu dhisay xukumad isaga u ee oo aan dhana looga duwin
Waxaanan isku qanciyay haw noqon tani waa Muuse oo aan biyo ismarine…

By Sacad Balaaki

Waa Bilaahi Tawofiiq

COMMENTS