BALIGUBADLE MEDIA
Dawlada Tuniisiya Oo Wadankeeda Ka Mamnuucday Diyaaradaha Shirkada Emirates Iyo Sababaha Ku Kalifay Oo Ay Cadaysay
December 25, 2017 - Written by admin

Dawladda Tuniisiya ayaa dalkeeda ka mamnuucday diyaaradaha shirkadda Emirates, ka dib markii tiro haween ah oo Tuniisiya u dhashay laga hor istaagay in ay ku safraan diyaaradaha shirkaddaas.

Arrintan ayaa timid ka dib markii ay dadka Tuniisiya ay aad u cadhoodeen, iyadoo qolyaha u dhadhaqaaqa xuquuqda aadanaha ay cambaareeyeen arrintaas kuna tilmaameen “faquuq iyo midab takoor”

fly emirates

Wasaaradda gaadiidka ee Tuniisiya ayaa sheegtay in xayiraaddan ay taagnaan doonto tan iyo inta shirkadda Emirates ay “si sharciga waafaqsan uga hawlgalayso”.

Isutagga Imaaraadka Carabta ayaa sheegay in dib u dhaca ay horseeday “xog ammaan”.

“Waan la xidhiidhnay walaalahanno Tuniisiya anaga oo kala hadlayna xogta
muhiimka ka dhigtay in aan tallaabo khaas ah qaadno” ayuu Twitterka ku qoray Axaddii, wasiirka arrimaha dibadda ee Imaaraadka Anwar Gargash,

“Aad baan u qadarinaa dumarka Tuniisia waana ixtiraamnaa,” ayuu sii raaciyay.

Saraakiil ka tirsan dawladda Tuniisiya ayaa sheegay in Isutagga Imaaraadka Carabtu uu dumarka Tuniisiya ka mamnuucay in ay u safraan ama xitaa masaafur ku noqdaan dalkooda.

Jimcihiina dawladda Tuniisiya ayaa sheegtay in ay safiirka Imaaraadka waydiisatay in uu caddeeyo waxa jira, loona sheegay in ay tallaabo ku meelgaadh ah ahayd haddana la qaaday.

Warbaahinta guduhu waxay ku warrantay in dumarka Tuniisiya loo diidanaa in ay raacaan diyaaradaha Imaaraadka ee Dubay u socda muddo dhawr maalmood ah.

Qaar ka mid ah dumarka Tuniisiya ayaa la sheegay in safaradii ay Imaaraadka ku tagilahaayeen dib loo dhigay si baadhitaanno dheeri ah loo mariyo dal ku galladii ay wateen, sida ay ku warrantay wakaaladda wararka ee AFP.

Tuniisiya ayaa isku dayaysay in ay hagaajiso cilaaqaadka ay la leedahay Isutagga Imaaraadka Carabta ka dib markii uu xumaaday 2011 markaas oo kacdoon uu ka dhacay dalkaas.

Xisbiga Ennahda oo ah isbahaysiga hoggaanka haya ayaa sidoo kale loo arkaa in uu xidhiidh la leeyahay Qadar oo ay go’doomiyeen Imaaraadka, Sacuudiga iyo Baxrayn iyaga oo ku eedaynaya in ay argagixisada taageerayso.

Source:-BBCsomali

COMMENTS