BALIGUBADLE MEDIA
Dawlada Muuse Haddii Ay Sheegi Waydo Dayn Iyo Dakhli Ka Lagu Wareejiyey Waxay Noqon Doonntaa Dawlad Dalkeda Iyo Dadkeeda Khiyaantay…W/Q Maxamed Hagi
December 1, 2017 - Written by admin

Dawladnimada xilkaska ahi hal dhaqan ayey leedahay; waana in ay soo bandhigto nooca miisaaniyadeed ee ay ku xaal jirto.

Tusaale ahaan, miisaaniyadda dawladdu ma mid dakhliga soo gala iyo kharashka baxaa isku dheelli-tiran yahay baa (balanced budget)?

Ma mid dakhligu qarashka ka xoog roon yahay oo dhigaal dakhli leh baa (surplus budget)?

Mise waa mid dayn ku nool ah oo kharashku ka badan yahay dakhligeeda (deficit budget)?

Ka uu doono ha noqdo e, waxa dawladda xilkaska ah ku waajib ah in miisaaniyaddeedu shacabka u daahfuran tahay si loo ogaado ammuurta dakhli iyo kharash ee dawladnimo – haddii kale la xisaabtan guud oo shacab iyo dawladi jiri maayo xaal na waa

ha la is-boobo.

Maanta waxa la sheegayaa in dayn aad u faro-weyn uu Kulmiye – Kulmiye ku wareejin rabo oo waliba la leeyahay Kulmiye ayeynu isla nahay e, aynnu bahasha isku muusaynno oo ceebteenna qarsanno – shacabkana khiyaamaynno!

Ammuurtaasi waa ammuur khiyaamo qaran ah haddii ay dhacdo – waa shacabkii iyo qarannimadii oo khiyaamo dhaqaale la gu wado. Madaxweynaha la doortay waxa ku waajib ah in uu ku adkaysto in daynta la gu wareejinayo cadadkeeda uu sheego.

Ma aha wax qariib ah oo dawladuhu daymaha waa ay isku wareejiyaan – haddiise la yidhaa aan isku qarinno Kulmiye ayeynu isla nahay e, waa khiyaamo ummadeed iyo gaf dawladnimo oo qaranka la ga galay.

Ha ogaado Muuse Biixi in daynta la gu wareejinayo macnaheedu yahay war naxdin leh oo fashilin kara ballanqaadkii wax-qabad ee barnaamijkiisa. Waayo dayn weyn bixinteed ayaa hortaal.

Markaa ballanqaadkii badnaa ee Kulmiyihiisa inkaar baa afka ku soo kala qaadday – haddii uu yidhaa inkaartaas ayaan qarsanayaa waa u nacasnimo iyo hadhow oo ay talo ku ballaadhato.

Waxa u roon in uu maantaba runta u sheego dadkiisa si ay filashadoodu u yaraato – sababta oo ah daynta aan maqlayaa waa mid aan suuro-gal ka dhigayn in 100% barnaamijka xisbigu fulo. Jimce wanaagsan.

Mohamed Hagi Mohamoud

COMMENTS