BALIGUBADLE MEDIA
Dawlada Jabuuti Oo Hambalyeysay Madaxweynaha Cusub Ee Somaliland Iyo Xukuumada Uu Soo Dhisay
December 15, 2017 - Written by admin

Dawlada dalka jabuuti ayaa hambalyeeysay madaxweynaha cusub ee somaliland Md Muuse Biixi Cabdi iyo xukuumada cusub ee uu soo dhisay.
kawaaliye
Wakiilka dawlada Jabuuti ee somaliland Xuseen Cumar Kawaaliye oo maanta warbaahinta kula hadlay xarunta qunsuliyada  jabuuti ee magaalada Hargeysa ayaa sheegay inay hambalyeynayaan madaxweynaha cusub ee somaliland iyo xukuumada uu soo dhisay waxaanu yidhi “Aniga oo ku hadlaya Afkii wadanka jamhuuriyada Jabuuti, madaxweynaha jabuuti, marwada koowaad iyo dhamaan shacab weynaha Jabuuti waxaan halkan ka hambalyeynayaa madaxweynaha somaliland Md Muuse Biixi Cabdi iyo xukuumadiisa uu shalay magacaabay, waxaanan leeyahay dhamaantayo hambalyo ayaanu idin leenahay.”

Wakiilka Jabuuti ee somaliland Xuseen Cumar Kawaaliye oo hadalkiisa sii wata ayaa ka hadlay xidhiidhka ka dhaxeeya shacabka labada dal ee somaliland iyo jabuuti waxaanu yidhi “Somaliland iyo jabuuti waa dad walaalo ah waa dad xidid mid ah kuna qasban inay wada shaqeeyaan oo ay wada noolaadaan, waad ogtihiin in jamhuuriyada jabuuti ay tahay dawladii ugu horaysay ee booqashada gaarka ah ku timaada somaliland una hambalyeysa madaxweynaha cusub, waxaase intaas ka sii badan oo muujinaya walaaltinimada somaliland iyo Jabuuti shacab weynaha reer jabuuti ee sida qiimaha badan uga soo qayb galay caleemo saarka madaxweynaha cusub ee somaliland.”

Sidoo kale waxa warbaahinta la hadlay xubno ka mid ah shacabka Jabuuti ee ka soo qayb galay caleemo saarka madaxweynaha shanaad ee somaliland, kuwaas oo sheegay inay u hambalyeynayaan madaxweynaha cusub iyo xukuumada uu soo dhisayba.

Isha Ku Hay Baligubadlemedia

COMMENTS