BALIGUBADLE MEDIA
Dawlada Itoobiya Oo Ka Hadashay Isku Dhacyada Kasoo Cusboonaaday Magaalada Chelenko Ee Bariga Hararge.
December 17, 2017 - Written by admin

Wasiirka xukuumada ee xafiiska arimaha isgaarsiinta Itoobiya (GCAO). Dr Negeri Lencho ayaa sheegay isku dhaca iyo rabshadaha kasoo cusboonaaday magaalada Chelenko ee bariga Hararge, ay ku nafwaayeen dad tiro badan.

hararge

Wareysi uu la yeeshay warbaahinta FBC, Dr Negeri ayaa xusay in saraakiisha amniga ay u baahan yihiin in ay qaadaan si taxadar leh tallaabooyinka lagama maarmaanka ah si looga hortago khasaaraha oo loo badbaadiyo noolasha inta lagu jiro isku dhacyada .

Wasiirka ayaa sheegay in Golaha Ammaanka Qaranku uu baari doono sababta dhibaatada islamarkaana ay la xisaabtami doonaan dadka mas’uulka ka ah iskahorimaadka iyo dhimashada

Mar uu ka hadlayay xasillooni darrida dhowaan ka dhacday jaamacado qaar, ayuu yiri Wasiirka, dhibaatada ayaa la xiriirta munaasabadd ciyaaraha.waxaana dhacay weeraro qowmiyadaha ku salaysan ardayna lagu diley jaamacado qaar.

Kadib markii uu tacsi tiiraanyo leh u diray qoysaska dhibanayaasha, wasiirka ayaa sheegay in xukuumaddu, ayadoo la kaashaneysa dawlad goboleedyada iyo beelaha degaanka, ay ka shaqeynayaan sidii loo abuuri lahaa jawi degan oo ardaydu dareemaan amaan iyo inay dib u bilaabaan wax barashadooda ee jaamacadaha ay saameysey xasilooni darada.

Sources: universaltvsomali

COMMENTS