BALIGUBADLE MEDIA
Dabacasar oo Markale Maanta Dib Ugu Soo Laabtay Hargeysa, Xilli Maalintii Shalay Laga Mustaafirisay Dalka
December 22, 2017 - Written by admin

Sheekh Cabdiraxmaan Xaaji Dabcasar oo  shalay laanta socdaalka Somaliland ka musaafurisay dalkeeda ayaa saaka dib ugu soo laabtey magaalada Hargeysa ee caasimada Somaliland
dabacasar'
Dabcasar ayaa la sheegay in xukumadu ay u musaafirisay dalka Jabuuti oo uu codsadey in loo duuliyo , isla markaana waxaa naloo sheegay in sababta soo celisay ay tahay Jabuuti oo diidCnay in Dabcasar dalkeeda galo isla markaana waxaa ay Jabuuti Dabcasar soo saartey diyaarada Air Jabuuti oo goor dhaweyd ka soo degtay garoonka diyaaradaha ee Hargeysa .

Markii uuu ka soo degay Diyarada Air Jabuutiayaa lamaha amaanku ay xidheen Dabcasar isla markaana waxaa la filayaa in loo musaafuriyo dalka Imaraadka oo lala sugo diyaarada Fly Dubai oo bari iman doonta magaalada Hargeysa .

Sidoo kale waxaa xusid Mudan in Dabcasar uu diiday in loo musaafiriyo magaalada Moqdisho ee dalka Somaliya

Isha Ku Hay Baligubadlemedia

COMMENTS