BALIGUBADLE MEDIA
Cali Khaliif oo Si Adag Uga Jawaabay Hadal Ka Soo Yeedhay Saleebaan Gaal Iyo Waano uu Hawadda U Mariyay.
December 6, 2017 - Written by admin

Siyaasiga Cali Khaliif Galaydh ayaa jawaabay hadal ka soo yeedhay gudoomiyaha golaha guurtida somaliland kaas oo ku saabsanaa in heshiiskii dhex maray maamulka Khaatumo iyo xukuumada somaliland la horkeeno golayaasha baarlamaanka.

cali khaliif galaydh

Siyaasi Cali Khaliif ayaa sheegay in gudoomiyaha guurtidu ku saxsan yahay in heshiiskaas la geeyo goleyaasha baarlamaanka soomaaliland, waxaanu hadalkiisa ku bilaabay “Arintaas gudoomiyuhu sax weeyaan, waxana wax lala dhuumanayey may ahayn oo Siilaanyo iyo Cali Khaliif wax ku eeg may ahayn balse Khaatumo iyo maamulka Somaliland ayaa mudo laba sano ah hawlahan soo wada waday, golaha wakiiladuna arintaas iyagu way soo dhaweeyeen kuna raaceen maamulka in hawshaas la wado

ansixina may ahayn, hawshaasina meel fiican ayey maraysaa in badan oo qabsoontay oo ay ugu weyn tahay Nabada, ganacsiga iyo isdhex markuna way suurtoobeen, kalsoonina waa abuurtay.”ayuu yidhi Siyaasi Cali Khaliif oo u waramay Eryaltv.

Siyaasi Cali Khaliif oo hadalkiisa sii wata ayaa intaas raaciyey “Gudoomiyahana waa runtii in la ansixiyo oo golaha wakiilada iyo guurtida la mariyo, dastuurka soomaliland-na waxa ku yaala heshiisyada la galo siyaabo kala duwan ayaa loo ansixin karaa ama loo fulin karaa, haddii uu leeyahay golayaashaas ayaanu nahoo  lama keenin taas anagu waxba kama qabno in la mariyana waanu soo dhawaynaynaa, laakiin madaxweynaha hada shaqada ka fadhiistay wuu ku amaanan yahay geesinimana wuu muujiyey.”

Ugu dambayn Cali Khaliif ayaa ka hadlay inuu xil ka qabanayo xukuumada uu dhawaan ku dhawaaqi doono madaxweyne Muuse Biixi waxaanu yidhi “Aniga iyo Muuse waanu is aragnay aniguna xil kama rabo, somaliland iyo soomaaliyana meel aan xil ka rabaa ma jirto waayadana cid da’da qirataa ma jirtee anigu da’ ayaan joogaa intii aan soo shaqayn lahaana waan soo shaqeeyey intaas ayaana igu filan, mana ihi nin doonaya inuu CV-giisa qurqurxiyo intii aan soo maray ayaana igu filan oo aan raali ku ahay, halkana mansab kama rabo, wax aan u hunguroodaana halkan ma yaalaaan meel kale oo soomaaliyeedna ma yaalaan.”ayuu yidhi Siyaasi Cali Khaliif Galaydh oo haatan ku sugan magaalada Hargeysa.

Isha Ku Hay Baligubadlemedia

COMMENTS