BALIGUBADLE MEDIA
Baarlamanka Somaliya oo Wada Mooshin Xilka Laga Xayuubinayo Madaxwayne Farmaajo Iyo Wararkii U Dambeeyay.
December 1, 2017 - Written by admin

Waxaa maalmihii la soo dhaafay isa soo taraya guux ku aadan Mooshin laga
diyaarinayo Madaxda sare ee dowladda, iyadoo ololaha iyo diyaar garowga mooshinka oo markii hore ku bilowday si hoose, waxaa uu haatan u muuqdaa mid banaanka u soo bixi rabo.

madaxwayne farmaajo
Mooshinkan ayaa la sheegayaa inuu ka dhan yahay Madaxweyne Maxamed C/llaahi Farmaajo, waxaana ololihiisa la sheegayaa inuu isugu jiro dhowr waji oo ay qeyb ka yihiin Xildhibaano ka tirsan Labada Gole, Maamul goboleedyada iyo siyaasiyiin lagu tiriyo inay ku dhow yihiin Imaaraadka Carabta.
Dhaq dhaqaayqada siyaasadeed ee ka jira magaalada Muqdisho ayaa sii xoogeystay, kaddib markii magaalada dib ugu soo laabteen Xildhibaano fara badan oo ku maqnaa dibadda, waxaana arrintan ay keentay dareen xoog leh.
Ilo wareedyo kala duwan oo ay ku jiraan Rag Xildhibaano ah ayaa u xaqiijiyay Jowhar.com jiritaanka iyo diyaar garowga mooshinka, hase ahaatee waa ay ka gaabsadeen inay xilligan ka hor-dhacaan.
Wararka ayaa sheegaya in mooshinka hada la diyaarinayo ay ku jiraan qodobo culus, waxaana suuqa soo galay qabyo qoraal ku saabsan qodobada loo cuskanayo mooshinka.
Sidoo kale warar kale ayaa sheegaya in saddexdii maalmood ee la soo dhaafay uu jiray is xulufeysi Xildhibaanada qaar iyo rag siyaasiyiin ah, kuwaasoo ka arrinsanayay socod-siinta mooshinka iyo sidii lagu dardargelin lahaa.

Xildhibaano ayaa la sheegay inay saxiixeen mooshinkan, inkastoo aanu heyn tiro rasmi ah, Xildhibaano dhowr ah oo aan la hadalnay ay inoo xaqiijiyeen in illaa 50-meeyouu marayo saxiixa.

Warar kale oo suuqa ku jira ayaa sheegaya Mooshinkan halkii saxiix uu marayo $10,000, taasoo suura gal ka dhigi karta in mooshinka degdeg u howl galo.
Sida uu qabo dastuurka Mooshin ama Imbeachment laga keeno Madaxweynaha ayaa u baahan inay marka hore saxiixaan illaa 92 Xildhibaan, waana wax adag tahay in xilligan intaas la helo.
Si kastaba ha ahaatee hadii mooshinkan dhab ahaanshihiisa banaanka u soo baxo waxaa uu noqonaya mid xaalada siyaasadeed ee dalka wax ka bedelo, isla markaana uu dalku galo qalalaase siyaasadeed.

Isha Ku Hay Baligubadlemedia

COMMENTS