BALIGUBADLE MEDIA
Somaliland Ama Jeegan Qore: Sadam Osman Kaabash. –
November 27, 2017 - Written by admin

Dawladda Muuse ee la sugayaa waxay ka dhigantahay Somaliland oo gacanta muuse ku burburtay ama kaga baxday is-tuhun, isnac, xil-fatan wkhti dheer qaatay, caddaalad-darro soo jirtay todoba sano iyo kale aamin bixid ka dhex alloosantay shacabka iyo ciddii xukunka haysay. Cid mucaaridday ma jirto oo si fiican baa loo wada hambalyeeyey wallaw aanu Muuse ku soo bixin si sharciya oo uu boob iyo qasab madaxweyne ku noqday.

Qof walba waxa uu sugayaa dawladda uu soo magacaabaa sida ay uga fal celiso baahiyaha ay tabanayaan dadweynaha 7 sano la qadiyey ee niyad samida ku noolaa. Waxay dhawrayaan in Muuse

 
gacan togaaleeyo dawladdan oo uu sad bursigii iyo waxqabadkii halkii uga sii wada beelihii ay kootadu ugu xidhnay Somaliland. Waxaa la sugayaa oo la naawilayaa in Muuse garawshiyo ka bixiyo dadkii laga hiiliyey lagana cunay mashaariicdii ay xaq-qa u lahaayeen.

Dawladdan la soo dhisi doonaa waxay la kawsan doontaa mucaaridad adag oo sii jirta aakhirkana sababta in dawladdiisu wax dhaqaaqa samayn waydo. Laakiinse dawladda la soo dhisayaa hadday qanciso mucaaridka iyo dhulalka baahiyaha gaarka ah tabanaya waxaa ku waajiba in dawladda la la shaqeeyo oo la garabbgalo.

Taasina imaanmayso inta ay jirto dawlad loo yaqaanno Jeegaan oo ka kooban laba beelood oo u heshiiyey sidii khayraadka iyo cashuuraha maatida iyo agoomaha laga qaado loo baabi’in lahaa. Dawladani sii jiri mayso inta wasiiro Jeegaanta ah ay xilka haysanayaan, wasiirada aan Hagbadda ahaynna la bedelaayo dhawrkii biloodba mar.

Waxaa loo baahanyahay dawlad koobsata dhammaan beelaha Somaliland, si caddaalada na loo qaybsado mashaariicda ka socota waddanka, loona sinnaado waxqababka iyo horumarinta deegaamada waddanka.

Sadam osman kaabash.
University of Hargeisa.
Jooga: Ina Mooge Hargeisa.
Ustaad.
[email protected]

COMMENTS