BALIGUBADLE MEDIA
“Meel ka dhac loo gaystay Nabiga” NNKH oo horseeday iscasilaad wasiir
November 27, 2017 - Written by admin

Dibed baxayaal Islaamiyiin ah oo Sabtidii ay isku dhacyo dhex mareen booliska Pakistan, ayaa sheegay inay soo afjarayaan mudaharaadka ka dib markii uu iscasilay wasiirka caddaaladda ee dalkaasi, Zahid Xamid.

Dibed baxayaasha ayaa xiray waddo weyn oo marta caasimada Islamabad, waxaana ay dalbanayeen in xilka laga qaado wasiirka oo ay ku eedeeyeen inuu diinta Islaamka ku xadgubay.

dibaxbaxyaal

Wasiirka ayaa loo haysaa in sharci cusub oo ah kan dhaarinta mas’uuliyiinta uu ka reebay magaca Nebi Maxamed NNKH.

Dad badan ayaa u arkay in dibad baxyada dhacayay ay muujinayeen caqabaha haysta dowladda rayidka ah ee taagta daran iyo in kooxaha Islaamiyiinta ah ee mudaharaadka waday ay taageero ka haystaan milateriga Pakistan.

Shakina kuma jiro cidda guulaystay.

Dowladdu waxay lumisay wasiirkeedii, waxaana lagu qasbay inay ogolaato dalabaadka dibed baxayaasha oo ay ka mid yihiin in la sii daayo dadka ay boolisku ka qabqabteen mudaharaadyada iyo inay nadiifiso wadooyinka.

Maxaa sababay arrinta ninka lagu eedeeyey in uu nabiga u gafey?
Taj Mahal ma Muslimiin baa leh mise Hindu?
Nigeria: Muslimiinta oo diiday xeer ragga iyo dumarka dhaxalka u simaya

Ayadoo hogaamiyaha xisbiga talada haya, ahna ra’iisulwasaarihii hore Nawaz Sharif uu wajahayo dacwad musuq maasuq, ayaa guuldarradan waxay su’aal gelinaysaa siyaasadda dowladda iyo dimuqraadiyadda dowladda rayidka ah.

Source: Bbc

COMMENTS