BALIGUBADLE MEDIA
Madaxweynaha Zimbabwe oo ‘ku raad jooga’ lacago la xaday
November 29, 2017 - Written by admin

Madaxweynaha cusub ee Zimbabwe Emmerson Mnangagwa ayaa saddex bilood oo damaanad ah siiyay dadka iyo shirkadaha la sheegay in ay lacago badan ka qaateen Zimbabwe, mudadaas oo haddii ay soo celiyaan aanan waxbo loo raacan doonin.

sour
“Lacag aad u badan iyo hanti ayaa la geystey dalka dibadiisa, waxaana sameeyay shaqsiyaad iyo shirkado” ayaa lagu yiri war qoraal ah oo kasoo baxay xafiiska madaxweynaha.

Wasiirkii hore ee maaliyadda Zimbabwe Ignatius Chombo ayaa la xiray, waxaana lagu soo oogay dacwado musuqmaasuq ah.

Mnangagwa muxuu kaga badalnaan doonaa Mugabe?
Mnangagwa oo Zimbabwe ku laabtay si uu u badalo Mugabe

Bangiga dhexe ee Zimbabwe ayaa sheegay in lacag gaaraysa $2 bilyan oo doolar laga dhacay dalka, dibeddana la geystay.

Zimbabwe waxaa gabaabsi ku ah lacagta caddaanka ah, taasna waxa ay horseeday suuq madoow oo lacagaha lagu kala iibsado.

Mnangagwa ayaa sheegay in uu la dagaalamayo musuqmaasuqa, islamarkaasna dib usoo noolaynayo dhaqaalihii Zimbabwe.

Source: bbc

COMMENTS