BALIGUBADLE MEDIA
Kuuriyada Waqooyi oo Shaaca Ka Qaaday in ay Maraykanka Duqaymo Waawayn U Gaysan Karto
November 29, 2017 - Written by admin

Kuuriyada Waqooyi ayaa sheegtay in ay ku guulaysatay tijaabinta nooc cusub oo ah gantaallada ballistic loo yaqaanno ee qaaradaha isaga kala goosha, kaas oo gaari kara dhammaan qaaradda uu Maraykanku ku yaaallo.

War laga sii daayay telefishinka qaranka ayay ku sheegtay in Pyongyang ay hadda xaqiijisay hadafkeedii ahaa in ay noqoto dal quwad Nukliyeer ah leh.

korean

Waa markii koobaad ee ay gantaal ballistic ah tijaabiyaan muddo labo billood ka badan.

Saraakiisha milateriga ee Kuuriyada koonfured waxaa ay shegeen in gantaalkani uu dul maray bariga dalkaasi, kadib markii laga soo ganay meel u dhaw magaalada Pyongyang.

Khubaro ka faalooda arrimaha dalkaasi ayaa sheegay in xukuumadda Pyongyang ay horumarineyso gantaaladeeda, iyadoo uga gol leh inay ku bartilmaameedsato goobaha fog fog sida dalka Mareykanka.

Xarunta wasaarada difaaca ee Pentagon-ka Mareykanka oo ka hadlay tallaabadan ay qaaday Kuuriyada Waqooyi ayaa sheegay in tani ay u muuqato inay tahay gantaallada isaga kala goosha qaaradaha, waxaana la sheegay in gantaalkan ay riday Pyongyang uu socday masaafo dhan Kun kilomitir, kahor inta aanu kusoo dhicin badda Japan.

Kuuriyada Waqooyi oo “xadday qorshaha duullaanka” Mareykanka
Milicsi dhif ah; Nolol Maalmeedka Kuuriyada Waqooyi

Pentagon-ka waxaa kale oo ay intaa ku dareen in gantaalkani uusan aheyn mid khatar ku ah xullafada Mareykanka iyo waqooyiga Mareykanka toona.

Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump oo ka hadlay tijaabada gantalkan ayaa sheegay in tani ay tahay xaalad la xakameyn karo.

Warbaahinta dalka Japan ayaa kusoo warantay in gantaalkani uu hawada kujiray wax ka yar saacad, waxaana ay intaa ku dareen inuu burburay kahor inta aanu dhulka kusoo dhicin.

Tani waxaa ay muujineysaa in Kuuriyada Waqooyi ay weli wado tallaabooyin ay ku horumarineyso awoodda gantaaladeeda, iyadoo ay jirto dadaalo lagu cunaqabateynayo dalkaasi, taaso oo uu hormuud ka yahay Mareykanka.

Dhanka kale, tallaabadan ay ku dhaqaaday Kuuriyada Waqooyi ayaa waxaa cambaareeyay dowladda Japan. Ra’iisal wasaaraha dalkaasi Shinzo Abe ayaa markii uu soo baxay warka sheegaya in Kuuriyada Waqooyi ay tijaabisay gantaal shir deg deg ah isugu yeeray golaha wasiirada ee Japan.

Afhayeen u hadlay xukuumadda Tokyo-na waxuu sheegay in tani ay tahay mid aan la aqbali Karin.

Source: bbc

COMMENTS