BALIGUBADLE MEDIA
Hay’adda Maamul Wanaaga Iyo La Dagaalanka Musuq Maasuqa Oo Soo Saartay Amar Cusub.
November 27, 2017 - Written by admin

Axmed Jaamac MaxamuudHargeysa(BLM):-Gudoomiyaha hay’adda maamul wanaaga iyo la dagaalanka musuq maasuqa Axmed Jaamac Maxamuud ayaa ku baaqay in musuq maasuqa laga ilaaliyo hantida dawlada mudadi lagu jiro kala guurka labada xukuumadood.

Gudoomiye Axmed Jaamac Maxamuud ayaa sheegay inay sameeyaan nidaam lagu kaydiyo hantida dawlada waxaanu yidhi “Waxa iman doona wasiiro cusub oo uu magacaabayo madaxweynaha la doortay, hay’adduna mudadii aan hogaanka u hayey waxaanu samaynay xog lagu kaydiyo hantida guurtada ah iyo ta ma guurtada ah, waana xog sugan oo wasaarad kasta, hay’ad kasta iyo dawladaha hoose ku dhan yihiin.”ayuu yidhi gudoomiye Axmed Jaamac Maxamuud oo u waramay qaar ka mid ah warbaahinta.

Sidoo kale  waxa uu sheegay in hay’adda maamul wanaaga iyo la dagaalanka musuq maasuqu ay goob joog ka ahaan doonto xil wareejin kasta waxaanu mar kale yidhi “Xilkaas la wareejinayo ee wasiiradu ay ku wareejinayaan wasiirada cusub goob joog ayaanu ka ahaan doonaa maadaama oo aanu hayno xogtii anaga oo sidana wixii aanu haynay ee xogta ahaa oo hubinayna waxa la wareejinayo oo aanu dhicin wax khalad ah oo musuq maasuq noqon kara, anaga oo goob joog ka ahaan doona xil wareejin kasta, waxaanan diyaarinay qaabkii ay wasiirada cusubi ku saxeexi lahaayeen wixii ay la wareegeen si loo hubiyo maalinta ay iyaguna xilka wareejinayaan.”

 

Baligubadlemedia

COMMENTS