BALIGUBADLE MEDIA
Dawladda Itoobiya Oo ka Hadashay Labaatan Qof Oo U Geeriyooday Iska Horimaad Dhexmaray Somalida Iyo Oromadda
November 27, 2017 - Written by admin

Dowladda Ethiopia ayaa sheegtay in dad ka badan 20 ruux ay ku dhinteen dagaal todobaadki hore dhex maray qowmiyadaha Soomaalida iyo Oromada ee Itoobiya.

Afhayeen u hadlay Dowlada Ethiopia Negeri Lenco, ayaa sheegay in deegaanka Oromada laga soo xiray 98 halka dhulka Soomaalidana laga soo qabtay shan Qof. Dadkan ayaa lalal xidhiidhinayaa in ay ku lug leeyihiin colaadda.

Soomaalida iyo Oromada ayaa ku muransan soohdinta labada qowmiyadood. Deegaanada ay colaaddu ka jirto ayay Dowladu sheegtay in ay geysay ciidamo dheeraad ah oo ka tirsan millatariga.

Saraakiisha labada dhinac ee ay dirirtu u dhaxeyso ayaa bishi April ee sanadkaan ka heshiisay waxa ay isku hayaan, isla waqtigaasi, dowlada Itoobiya ayaa dhigtay waddooyinka waaweyn

ee deegaanada lagu muransanyahay ciidamo millatari ah, hase yeeshee ilaa iyo hadda waxaa aaggaasi kasii socda dagaalada.

Iska hor-imaadyo Soomaalida iyo Oromada dhexmaray bishii September, ayaa waxaa la sheegay in ay ku dhinteen tobaneeyo ruux, halka ay ku barakaceen tobnaan kun oo ruux oo kasoo jeeda qowmiyadda Oromada.

Xigasho VOA Somali

COMMENTS