BALIGUBADLE MEDIA
Dawlad Noocee Ah Ayaa Madaxweyne Muse Bixi Laga Filayaa In Uu Soo Dhiso? Qore Ahmedweli Goth
November 27, 2017 - Written by admin

Ahmedweli GothMadaxweyne Muse Bixi marka uu kursiga ku fadhiisto, waxa laga filayaa in uu wasaarad kasta iyo hay’ad kasta la xisaabtamo, hantida qaranka ee ku jirta gacmaha dad gaar ah uu ka daba tago, kadibna uu shacabka uga warbixiyo wax qabadkiisa dhaw iyo ka fog, sidoo kale uga war bixiyo sida uu wax uga qaban doono wixii hore u qaldamay. Arrintaasi oo aad ugu soo jiidi karta kalsoonida ummadda, gaar ahaan inta aan codka siinnin.

Shacabka reer Somaliland iyo shucuubta daneeya Somaliland amma xidhiidhka lehiba, waxa ay aad isku weydiinayaan dawladda laga filayo in uu soo dhiso Madaxweynaha Muse Bixi.

Hadal haynta mawduucaasi ayaa ah ka qabsaday goobaha lagaga sheekaysto siyaasadda xilligan ee Somaliland. Waxana soo baxaya warar iyo qiyaaso farta ku fiiqaya shakhsiyaadka ka mid noqon doona xukuumadda dawladda Muse Bixi Abdi iyo sida uu Madaxweynuha cusubi u fekerayo.

Sida la filayana waxa dawladdaasi cusub la shaacin doonaa dabayaaqada bisha December ee foodda innagu soo haysa. Su’aashuse waxa weeyi: Waa ayo shakhsiyaadka matili doona dawladda Muse?

Sida looga bartay dhaqanka qabaliga ah ee Somaliland ka jira, waxa xilligan aan ku jirro socda booqasho iyo xod xodasho ay oday dhaqameedyada beelaha, wasiirrada xukuumadda iyo siyaasiyiin kaleba isku weydaaranayaan qasriga uu Madaxweyne Muse ka deggen yahay magaalada Hargeysa. Kooxahaasi wareegeysanayaa kuma ega uun la kulanka Madaxweye Bixi laakiin waxa ay sidoo kale booqayaan shakhsiyaadka kale ee loo tiriyo in ay Muse Bixi ka ag dhaw yihiin.

Illaa iyo immigana waxa xanta suuqa taallaa sheegaysaa in uu Muse dabada kaga soo dhacay kooxo badan oo dan gaar ama tu beeleed wadatay, kuwaasi oo Muse ugu abaal sheeganayey in ay guusha u keeneen. Hase yeeshee, Muse waxa uu dadka sifahaasi ugu yimid, uga mahad celiyey in ay codkooda siiyeen, isna uu mas’uuliyaddaasi weyn ee culayska leh, ee loo doortay ku dadaali doono in uu ka soo baxo. Balse aanu cid gaar ah u qaadi karin ballan gaar ah.

Dhaqan ahaan Madaxweyne Muse waxa uu u muuqdaa nin si weyn uga geddisan madaxweynayaashii Somaliland soo maray, gaar ahaan kalsoonida uu isku qabo, ku dhaca iyo yoolka uu hiigsanayo. Sidaa awgeed, waxa la sheegayaa in uu soo dhisi doono xukuumad aan abaal gud iyo qabiil midna ku salaysnayn, xukuumad ay mas’uuliyiinteedu leeyihiin waaya aragnimo maamul, aqoon sare oo ay hay’aadka dawliga ah iyo macaamilka dunidaba ku waji karaan.

Wakhtigan lagu jirana waxa Muse Bixi u socda wada tashi uu la yeelanayo ruug caddaaga dalka jooga ee waaya aragga ku ah dawladnimda, maamulka iyo ruug caddaaga dibadda jooga intaba. Laakiin dhinaca oday dhaqmeedyada dalka jooga waxa uu jecel yahay in uu ixtiraamo, hase yeeshee aanu diyaar u ahayn in ay siyaasaddiisa faraha la soo gelaan. Shaqada ay dalka u qabtaanna ay noqoto ka shaqaynta nabadaynta beelaha iyo wada jirta ummadda.

Madaxweyne Muse Bixi marka uu kursiga ku fadhiisto, waxa laga filayaa in uu wasaarad kasta iyo hay’ad kasta la xisaabtamo, hantida qaranka ee ku jirta gacmaha dad gaar ah uu ka daba tago, kadibna uu shacabka uga warbixiyo wax qabadkiisa dhaw iyo ka fog, sidoo kale uga war bixiyo sida uu wax uga qaban doono wixii hore u qaldamay. Arrintaasi oo aad ugu soo jiidi karta kalsoonida ummadda, gaar ahaan inta aan codka siinnin.

Dawladda uu Madaxweyne Bixi soo dhisi doono ayaa noqon doonta mid kooban, oo tayo leh, inta aanu dawladdiisa magacaabinna waxa muhiim u ah in uu xusho la taliyayaal aqoon sare iyo waaya aragnimo u leh dawladnimada qaybaheeda kala geddisan, horumarinta, dhaqaalaha iyo maamulka shacabkaba. Cabsi badanna lagama qabo in ay shakhsiyaadka xilligan ku xeerani noqdaan maskaxda uu dalka ku maamulo. Shakhsiyaadkaasi oo gudo iyo dibadba jooga, ayaa u badan kuwo caaddifad qabiil hadhaysay, waaya aragnimo badanna aan u lahayn dawladnimo iyo maamul shacab, balse leh aqoon sare amma tu dhexe leh.

Madaxweynaha la doortay waa Musee, waxa uu aamminsan yahay in dalka la wada leeyahay, shacabka ku noolina ay u baahan yihiin maamul caddaalad ku dhisan, laakiin aanay u baahnayn shacab u kala qoqoban qabiilooyin. Sidaasi daraaddeed, waxa la filayaa in uu wax badan oo badan kaga duwanaan doono madaxweynayaashii ay kaabba qabiilladu maamulayeen, amma maamulkoodu ku salaysnaa reer hebel. Taasina waxa ay soo dhaweyn doontaa dawladnimadii Somaliland ee caalamka ka mid noqon lahayd. Ee shacabku muddada dheer ku ruyoonayeen.

 

Ahmedweli Goth

[email protected]

COMMENTS