BALIGUBADLE MEDIA
Dardaaran Iyo Talo Ku Socota Madaxweynaha Cusub Ee La Doortay Md Muuse Biixi Cabdi.
November 27, 2017 - Written by admin

Mustafe Abdilahi HusseinDardaaran iyo Talo ku Socota Madaxweynaha Cusub Ee l La Doortay
Md Muuse Biixi Cabdi .
Waxa mahad oo dhan iska leh ilahay SWT inaga dhigay Dad muslimiin ah inaguna abuuray gayiga nabad iyo barwaaqada ee somaliland waxan ilahay ka baryayaa inu inoo siyaadiyo nimcooyinkiisa inta inaga dhiman ilahay inagu arsaaqo.
Waxan halkan ka salaamaya dhamaan bulsho weynta reer somaliland ee wadaniyiinta dhabta , ee sida nabad ah ee ilbaxnimad guunka ka muuqatay uga soo qayb qaatay ololihii doorshada iyo codeyntiiba .
13 Nov 2017 kii ayay ahayd maalinti cod bixinta dalka looga dareeray iyado ku soo idlaatay si nabadoon isla bishi novmaber 21 keedi

 
aya ahayd maalinta koomishanka doorashooyinka qaranku ku dhawaaqeen natiijadi ka so baxday cod bixinti la dhiibtay taas oo loogu dhawaaqay in madaxweyne dalka ka noqdo shanta sano ee soo socota md muuse biixi cabdi xildiid ilahay xilka ha ku asturo.
Anigo ka mid ah dhalinyarda qalin iyo cod ba ugu hiilisay inu muuse madaxweyne ka noqda dalkan ilahayna nagu guuleeyay waxan jeclaan lahaa inaan halkan warqada furan oo ka kooban hambalyo , duco iyo dardaaranba uga diro madaxweynaha cusub.
1. Dhisid xukuumad tayo leh .
Md madaxweyne si ay xukumadaadu u noqota mid xul iyo xalba ah isla markaan qancisa dhamaan bulshada somaliland , waxan hubaa haddi aad adeegsato halbeegyadan in la mahadin doono xukuumada aad soo dhisto , haddi aad baal martana ayo noqon doonto xukuumd la kawsata mucaaradad xoogan iyo dildilaac gala xisbi xaakimka kulmiye , halbeegyadaas ayaa ah kuwaad ku so xulan karta masuulka ka mid noqon doona golaha xukuumadaada
B. Masuul amaano leh .
Md madaxweyne waxan xasuusta xiligi aad ololaha ugu jirtay si aad u hantido kursigan aad maanta ku fadhido in hadalkii ugu badnaa ee aad ka i soo jiitay iguna dhaliyay in codkayga ku siiyo inu ahaa tirtirida iyo xidid u siibista musuq maasaqa ,waxan aminsanahay si taasi u hir gasho inaad noo doorto masuul leh sifada amaanada ,taas oo ka dabri doonta inu ku kaco boob iyo lunsiga hantida la wada leeyahay
T. Masuul aqoon u leh waxaad u dirsanayso
Waxayabaha sababta u ah maamuul xumada ragaadiyay hayadaha dawlada waxan aminsanahay inay kaw ka tahay in masuulka la dirsaday iyo hayada loo diray aanay is aqoon taas macnaheedu yahay in loo diro masuul hayada anu aqoonteeda lahayn .
Waxay taasi horseed maamul xumo iyo kala danbayn la,aan taas oo iyana wiiqday hanaan wanaagi iyo habsami u socodkii shaqada hayadaas ,
Wan hubaa haddi muuse maanta uu raaco taas inu wax badan oo wanaagsan ku soo biir doono saxaada siyaasada ee JSL.
2. Ixtiraamka iyo dhaqan galinta cadaalada iyo sharciga
Wa arrin aad u muhiim ah wana mid ka mid ah halhaysyadi aad sida xoogan u adeegsan jirtay wan taan aminsanahay inay kugu codeeyan dad badan oo tirsanaayo cadaalada xumo, haddab md madaxweyne mar walba ogsoonow dadkaas kugu hiilayay codkooda kana rajaynaaya inaad qodobkaas u dhaqan gal sidii aad ugu balan qaaday.
Si taas loo helan waxan filaya inay tahay md madaxweyne inan laydin dhaxayn adiga iyo bulshada aad madaxweynaha u tahay , sida taas loga midho dhalin karna ay tahay in la helo sharci loo simanyahay oo ay ku qancaan dhamaan bulshada aad madaxweynaha u tahay.
Cadaalada oo la waayay waxay horseedi kartaa kacdoon bulsho iyo nacayb loo qaada maamulkaaga .
3. Ka midho dhalinta siyaasada laga leeyahay dhalinyarada
Md madaxweyne dhalinyaradu sidayn wada ogsoonahay wa cududa ugu miisaanka weyn qaranka , qaran kastaan waxu ku hormara ama ku dib dhacaa siyaasa u ka yeesho dhalinyaradiiisa . Wan ogahay xukuumada kulmiye ee hadda xilkeedu si dhamaanayo waxa badan bay ka qabtay arrrimaha dhalinyarada waxay ka qayb galisay xilalka kala duwan ee siyaasada , taas oo jirta haddana wali madaxweyne maaha siyaasada midho dhashay oo laga goostay midhihii laga filayaay , in dhalinyarada la hormariyo siyaasada wanaagsana laga yeesho maaha oo kaliya in layga qayb galiyo xilalka siyaasada lakin wa inay helaan waxay xaq ugu lahaayeen dalkooda sida shaqa abuuris iyo maamul ku dhisan cadaalada iyo ixtiraamida sharciga
Sharcigu ma xuma lakin in loo sinaado ayaa muhiim ah.
4.duco iyo dardaaran
Md madaxweyne waxaad madaxweyne u tahay dhamaan muwaadiniinta reer somaliland meel kasta oo ay joogaanba , waxay ka rajaynayaan inaad so dhisto xukuumada dalka ka samata bixisa xaalada uu maanta ku jiro , si taas loo helo md madaxweyne waxay muwaadiniinta reer somaliland badankoodu ka dalbanayaaan , talona kugu siinayaaan qodobadan
B . Inaad golaha xukuumadaadu ay noqdaan wajiyo cusub oo la eegi bal siday wax u qabtaan taas oo macnaheedu yahay inan wax nacayb ah loo qabin xubnihii ku jiray xukuumadii hore ee hadda xilkeedu si dhamaanaayo lakinse ay tahay in is badal wanaagsan dalka ka dhaco kaas oo ay dhaliso xukuumada aad gadhwadeenka ka noqon doonto .
T. In golaha xukamadaada a aanad ku so darin qurbo joogataasi oo horseed karta dhiirigalinta tahriibka iyo nac loo qaado ciid iyo dhulka hooyo , waa in xubnaha xukuumada aad so dhisaysaa 98% ay noqdaan muwaadiniin qaran jooga .
J. Inay xukuumadaadu md madaxweyne so dhisto xukuumad ay saami wanaagsan ku leeyihiin haweenka iyo dhalinayaradu kuwaas oo aha labada garab ee ugu muhiimsan qarankan iyo qaran kasta oo ka jira dunidan .
Alla mahad leh
Mustafe Abdilahi Hussein
B.Sc. microbiology
[email protected]
+252634476257( telsom)
+252654476257 ( somtel)

COMMENTS