BALIGUBADLE MEDIA
Salaadiinta Beelaha ARAB oo Tacsi U Diray Geerida Marxuum Cali Khaliif Galaydh
October 8, 2020 - Written by admin

Salaadiinta Beelaha ARAB ayaa tacsi Tiiraanyo leh u diray geerida marxuum cali Khaliif galaydh oo maanta Ku Geeroyooday magaaladda jigjiga

Salaadiinta Beelaha ARAB ayaa ku dheeraaday kaalinta muga leh ee Marxuumku kasoo qaatay dibu dhiska dalka iyagoo sheegay inuu kamid ahaa siyaasiyiintii kaalinta wayn kasoo qaatay dibu dhiska dalka

Sidoo kale salaadiinta ayaa tacsi taas lamida u diray dr mustafe Khamriile oo kamid ahaa dhakhaatiirta Somaliland oo isaguna maanta ku Geeroyooday Magaaladda Hargeysa

Waxaanay labadda marxuumba ilaahay uga baryeen inuu naxaristii janno ka waraabiyo ehelkii qaraabadik iyo Qaranka Somaliland ee ay ka baxeena samir iyo iimaan saadiqa ka siiyo

Inaalilaahu wa inaa ilayhi raajicuun

Isha Ku Hay Baligubadlemedia

COMMENTS