BALIGUBADLE MEDIA
Puntland Oo Soo Gudbisay Xubnaha Ku Matalaya Guddiyada Doorashada Iyo Xalinta Khilaafaadka Heer Federaal
October 22, 2020 - Written by admin

Hargeysa(BGM):- Madax-tooyada Dowlad Gobolleedka Puntland ayaa lagu waramayaa in ay si rasmi ah u soo gubisay magacyada xubnaha ku matalaya guddiyada la filayo in dhawaan loo saaro Doorashada iyo xalinta khilaafaadka ee sida lagu heshiiyay ilaa daba-yaaqada sanadkan ka shaqeyn doona soo xulista xildhibaannada Baarlamaanka cusub.

Puntland ayaa labada xubnood ee uga mid noqonaya Guddiga Doorashada Baarlamaanka heer Federaal ayaa kala ah Cabdiweli Tima-cadde iyo Muuse Geelle Faroole, halka dhinaca kale labada xubnood ee uga mid noqonaya Guddiga xalinta khilaafaadka ay kala noqonayaan Burhaan Cilmi Filig iyo Yaasmiin Maxamuud.

Ra’iisal Wasaaraha Soomaaliya Maxamed Xusseen Rooble ayaa dhawaan sheegay in xukuumadiisa cusub ka shaqeyn doonto oo kaliya sidii loo dhameystiri lahaa heshiiskii Doorashada oo ay wadajir u gaareen madaxtooyada Soomaaliya iyo madaxweynayaasha dowlad gobolleedyada kaa oo sidoo kale uu ansixiyay Baarlamaanka Soomaaliya.

 

COMMENTS