BALIGUBADLE MEDIA
Madaxwayne Biixi oo La Filayo Inuu Xayiraadda Ka Qaado Diyaaradaha Air Arabia Iyo Fly Dubai
October 16, 2020 - Written by admin

Madaxwaynaha Somaliland Mudane Muuse Biixi Cabdi ayaa la filayaa inuu dhawaan Xayiraadda ka qaado Shirkadaha diyaaradaha Air Arabia Iyo Fly Dubai oo Muddo Lixbilooda xayiraadi saarnayd Kadib markii ay Socdaalka joojiyeen Wakhtigii Kala Xidhanka Cudurka Covid 19

Madaxwayne Biixi ayaa wasiiradda iyo madaxda beesha habar jeclo cadaadis Ku saareen inuu xayiraada ka qaado labadan diyaaradood kahor inta aanu todobaadka soo socda safar ugu bixin gobolka togdheer maadaama oo ay beesha bariga burco maalmahanba madaxwaynaha ku eedaynaysay inuu dagaal gaara kula jiro ganacsatada Beeshooda

Ilaa hadda ma cadda wakhtiga Xayiraadda laga qaadayo labadan diyaaradood balse warar xogogaala ayaa sheegaya in Madaxwaynuhu qorsheeyay inuu xayiraadda ka qaado labadan doyaaradood

Isha Ku Hay Baligubadlemedia

COMMENTS