BALIGUBADLE MEDIA
Kala gobsanaantii laba Maxamed.
October 10, 2020 - Written by editor

Kala gobsanaantii laba Maxamed.

Sidaynu ku sheegnay qoraal hore oo bartan aynu ku baahinnay , wuxu diktoor Gabboose muddo dheer soo ahaa dhakhtarkii gaarka ahaa ee madaxweyne Maxamed Siyaad .
Sidoo kale wuxu soo ahaa wasiirkii dalxiiska .

Haddaba jeerkaas uu Gabboose ahaa wasiirka dalxiiska waxa gobollada Waqooyi ka socday kacdoon lagu diiddanaa sidii uu Kacaanku dhulkaas ula macaamilayey iyo weliba cabudhintii ay ka mid ahayd in xilli aan digaag hoyan dadka bandow la gelin jiray ,guryahana lagu xerayn jiray !! Waxa iyana Itoobiya ka soo hub urursanayey jabhado ay ugu waaweynaayeen SNM iyo SSDF .

Haddaba sida diktoorku sheegay rag u bad naa beesha Marreexaan ka soo jeeda oo uua mid ahaa Cabdiraxmaan Jaamac Barre ayaa soo jeediyey in xal loo raadiyo dhibaatada Waqooyi ka aloosan. Arrintaas oo markii Maxamed Siyaad la hor dhigay wuxu u saaray guddi uu diktoor Gabboose ka mid ahaa xog hayna u ahaa . Waxana lagu heshiiyey in madaxweynuhu carro Isaaq tago toosna u soo xalliyo dhibaatada ay ka gigilanayaan .
Hayeeshee mar keliya ayay arrintii is beddeshay ka dib markiii madaxweynihii Jabbuuti ee jeerkaasi uu la soo xidhiidhay madaxweyne Siyaad una sheegay in doonayo in uu heshiisiyo Minigsite iyo Siyaad.

Heshiiskaas oo dulucdiisu ahayd in ay Itoobiya iyo Soomaaliya ba joojiyaan jabhadaha ay isku hubaynayaan iyo weliba in mid waliba dalkeeda ka saarto jabhadda dalka kale duullanka ku ah .

Heshiiskaasi kolku dhacay wuxu Maxamed Siyaad is tustay in aanu wax wada hadala la gelin reer Isaaq maadama oo SNM tii duurka ku jirtay oo silsilado ku xidhan loogu keenayo ceelkii Xamar .
Wuxu markaa madaxweynuhu la soo baxay ad adkaan aan hore loo arag . Wuxu intii Hargaysa yimi ka jeediyey qudbad wada hanjabadaa oo sababtay in goob tii isku dhac iyo kacdoon dadweyne ka dhoco .
Wuxu sidoo kale amar ku bixiyey in reer Hargaysa iyo guud ahaan Waqooyiba ciqaabta lagu soo laban laabo aadna loo xanuujiyo .


Wuxu kala diray guddidii dhex dhexaadinta ahayd ee Gabboose ka midka ahaa.
Wuxu sidoo kale Gabboose ka qaaday dhakhtarkii gaarnimo ee uu ahaa .

Markuu halkaa xaal marayo Gabboose wuxu sheegay in uu damiir kiisu hayn waayey waxan uu Kacaan ku wado .
Wuxuna go’aansaday in uu geestiisa kaga biiro halganka lagu diiddan yahay Maxamed Siyaad iyo siduu wax u wado . Arrinta jirtaase waxay tahay in sida meesha looga fakado iyo cidda loo sheegaaba ayaanay jirin.
Wuxu markaa Gabboose sheegay in uu la tashaday oo keliya siyaasigii iyo ganacsdihii waynaa ee Ibraahin Cismaan Food oo Basbaas loo yaqiin . Wuxu Basbaas isku xidhay Gaboose iyo amb Cabdiraxmaan Axmed Cali oo ahaa xoghayihii arrimaha dibadda ee ururkii SNM fadhigiisuna ahaa magaalada London .

Xidhiidhkaa ka dib Gabboose wuxu ka baxay dalka wuxuna toos ugu biiray ururkii SNM .

Garo oo Gabboose markuu Xamar ka baxaayey waxa ka baxay isaga oo keliya oo reerkiisi iyo caruurtiisaba wuxu kaga fakaday Xamar .

Wataa halkaynu soconne Maxamed Siyaad markii uu ogaadey in uu Gabboose ka baxsaday wax taallabo ah kama qaadin caruurtii iyo haweenaydii uu diktoorkiisa fakaday ka tegay .
Gabboose keliya maahe dhammaan dadkii jabahdaha ku biiri jiray ama duullaanka soo qaadi jiray waxay fakan jireen iyagoo dhuumanaya oo xaas iyo gurboodkaba kaga dhex tagay dawladdan ay dagaalka la galeyaan.
sidaasooy tahay Kacaanku xariiq muu gaadhsiin jirin ubadka iyo oryaha
ay jabhadyahannadu ka tageen .
Gabboosena wuxu sheegay in reer kiisu iyadoo dawladdu og tahay Xamar ka soo baxeen tiiyo aan hadal iyo haaran midna loo geysan. Si nabdana ay London ugu yimaaddeen .

Aynu haddaba soo qaaddanno sheeko taa ka duwan iyo nin isagu layn jiray caruuraha dadka ka baxsaday .

Sheekh Cabdille Shixiri wuxu ahaa xoghayihii arrimaha dibadda ee ururkii Daraawishta .
Wuxu ahaa nin aad ugu fiicnaa afafka Carabiga , Ingriisada iyo weliba Talyaaniga .
Wuxuna ahaa ninka u kala af celiya Daraawish iyo dawladihii shisheeye .
Haddaba sannadkii 1914 kii waxa Daraawish ka dhex qarxay khilaaf xooggan oo gaadhay in xataa laysku dayo in la inqilaabo hoghaamiyihii Daraawish ta .
Waxana isaga seegay Ina Cabdulle Xasan iyo saaxiib kiisi Sheekh Cabdille Shixiri oo in badan ay duubcad iyo Saalixiyo wada shallada ahaayeen .

Cabdille Shixiri wuxu tegay magaalda Cadan wuxuna heshiis la galay dawladdii Ingriiska ee uu jeerkii hore dirirta ku jiray .
Markii uu Ina Cabdille Xasan loo sheegay in Shixiri uu Ingriis heshiis la galay ayuu ka fikiray waxa ugu yar ee ninkaa lagaga aargoosan karo .
Haa oo Ina Shixiri ma joogo meel laga gaadhayo , balse waxa xaruuntii Daraawishta ee Taleex jooga caruur uu dhalay iyo dumarkii uu qabay .
Haddaba aargoosi awgii Ina Cabdulle Xasan wuxu amar ku bixiyey in la laayo dhammaan caruurta uu Ina Shixiri dhalay!! Lana guursado dumarka uu qabo tiiyo aan isaga meher kii ugu xidhnaa aan waxba laga soo qaadaayn .

Dhammaantoodan gurboodkii uu Ina Shixiri dhalay dhegtaa dhiigga loo daray oo weliba sida taarikhyahannada qaar sheegaan dab holcaaya ayaa lagu guray . Waxa keliya ee saqiiradaa aan qaangaadhka ahayn lagu xasuuqayna waxay ahayd in uu abbohood Daraawish ka baxay !!

Haddaba Ina Cabdulle Xasan isagoo la hadlayaa in Shixiri una sheegaya in uu caruurtiisi laayey si kastoo oo uu ugu baroorto ama ugu ooyona aanu arkaynin ayuu yidhi :

Eelkii qabsaday reer Catoosh adhax gariirtaaba
Ilma daadisaa iyo sidii Aar u oroddaaba
Afka duubtaayaa iyo gafuur umal taagtaaba
Isku eebataa iyo nin kale eed ku dadabtaaba
Ardiyeysataa iyo dillaal oon ka dhigataaba
Ingiriiska eygaa sidii Eebbe baridaaba
Nin ibtilo ku dhici baa tahaye urug la taahdaaba
Amminkii habeennimo hurudada alalad booddaaba
Raggii uu waraabaha abxaday agas u qaaddaaba
Asay xidhatayaa amase weer, kugu abaadyaaba
Ashkatootayaa iyo warqado ku andacootaaba
Ararihiyo dibaddaa martoo naga ufootaaba

Awtaamisaa iyo sidii geela oloshaaba
Arki meysid ina-Shixiryow inamadaadiiyee
Adiguna amxaar baad tahaye ehel nijaaseede.

Gabaygaas tiiq tiiqsiga ah ninka loo tirinayaa waa nin caruurtiisi la gumaaday !!
Ina Shixiri keliya waxa la soo helayaa boqollaal caruruura oo Taleex loogu dilay in abbeyaashood xaruunta ka baxsadeen .

Si kastuu dawladdii Kacaanka loogu dhaliilo xadgub bini Aadannimo , marnaba la soo heli maayo Maxamed Siyaad oo sidaa Maxamed Cabdulle Xasan caruur yar yar u dilay in uu abboohood baxsaday . Waraysiga Gabboosena wuu ka marag kacay arrintaas .

Kala gobsanaantii laba Maxamed.

Jaamac shube

COMMENTS