BALIGUBADLE MEDIA
Dareeno Ka Dhashay Sababta Wasirka Arrimaha Gudaha Somaliland Uga Hadhay Safarkii Madaxwaynaha ee Goboladda Saaxil Iyo Togdheer
October 19, 2020 - Written by admin

Wasiirka Arrimaha Gudaha Somaliland Maxamed Kaahin axmed ayaa Ka hadhay waftiga la socda safarka madaxwaynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi Ku Tagay Goboladda Saaxil Iyo Togdheer

Ka hadhista safarka ee Wasiir kaahin ayaa macno badani Ku duuganyihiin iyadoo loo badinayo inuu jiro Khilaaf baahsan oo Ka dhexeeya Madaxwaynaha Iyo saaxibkii Maxamed Kaahin Khilaafka oo Ka dhashay Shirkii Golaha Wasiiradda ee sabtidii usbuucan ayaa u muuqda inuu meel xasaasi ah marayo islamarkaana muujinaya in Wasiir Kaahin ka biyo diiday qaabka uu Wakhti xaadirkan wax u Waddo Madaxwaynuhu islamarkaana uu saaxadda kaga saarayo beeshiisa

Shirka Golaha Wasiiradda oo Madaxwaynuhu Wasiir Kaahin u adeegsaday siciid Sulub islamarkaana uu meesha kaga saaray arintii sii daynta diyaradaha oo Wasiir kaahin watay balse Madaxwaynuhu shirka golaha Wasiiradda keenay si uu uga baxsado in lasii daayo islamarkaana ay si adag iskugu khilaafeen madaxwaynaha Iyo Wasiir kaahin iyadoo aakhirkii ay Isku baxsadeen wasiir Kaahin Iyo wasiir Siciid Sulub oo Isku halayn ka haystay Madaxwaynuhu uu siduu doono ula hadlay Wasiir kaahin arintaasoo oo keentay in wasiir Kaahin ku warhelay halka lala Marayo islamarkaana uu gabi ahaanba Joojiyay safarkii uu Ku raaci lahaa madaxwaynaha ee Goboladda barri

Si kastaba ha ahaatee wasiir maxamed kaahin oo khadka xukuumadda laga saaray beeshiisa ayaa u muuqda inuu faro madhan ka taaganyahay xukuumadda uu ka Tirsanyahay islamarkaana aan meel marin karin arrimaha uu wato lama garanayo halka uu Ku dambayn doono khilaafka madaxwaynaha Iyo wasiirku

Isha Ku Hay Baligubadlemedia

COMMENTS