BALIGUBADLE MEDIA
Wasiirka H. Maaliyadda JSL Oo Tababar Mihiim Ah U Furay 80 Qasneji Oo Ka Tirsan Waaxda Cashuuraha Berriga
September 17, 2020 - Written by admin

Wasiirka Wasaaradda Horumarinta Maaliyadda JSL Dr Sacad Cali Shire ayaa maanta Tababar Mihiim Ah U Furay 80 Qasneji Oo Ka Tirsan Waaxda Cashuuraha Berriga, Kuwaas oo 60 ka mid ahi Dumar yihiin, isla markaana ka kala yimid Gobolada iyo Degmooyinka Somaliland.

Tababarkan oo ah kii u horeeyey ee noociisa ah ee loo qabto Qasnajiyadda Cashuuraha Berriga ayaa loo sameeyey Nidaam habraac shaqo oo cad oo ay raacaan, iyadoo halkaasi lagu gudoonsiiyey dhamaantood buuga Hagaha Qasnejiyadda.
Sidoo kale waxa madashaasi lagu soo bandhigay System casri ah oo iswada (automated App) oo isku xidhaya dhamaan cashuuraha gaadiidka sida wado-maris, kala-wareejinta iyo bileydhka cusub, kaas oo qalab casri ah lagu isticmaalayo, kuna xidhan xogta gaadiidka dalka oo dhan, isla markaana mustaqbalka fariimo gaar ah oo cashuuraha ah loogu diri doono, lagulana xidhiidhi doono dhamaan gaadiidleyda dalka oo dhan.

Munaasibadan oo ka qabsoontay Hotelka Baraar ee Magaaladda Hargeisa ayaa waxa kasoo qaybgalay Wasiirka Wasaaradda Horumarinta Maaliyadda JSL Dr Sacad Cali Shire Agaasimaha Waaxda Cashuuraha Barriga Cabdisalaan Maxamed Maxamuud, Ku xigeenkiisa Khadar Laas, Agaasime ku xigeenka Waaxda Xidhiidhka Dadwaynaha iyo Saraakiil kale oo ka tirsan Waaxahaasi, iyadoo halkaasi looga jeediyey Qasnejiyadda dhawr Presentation oo ku taxaluqa shaqooyinka mihiimka ah ee ay u xilsaaran yihiin, ugu danbayna waxa halkaasi dhamaan qasnejiyadda lagu gudoonsiiyeu Shahaadooyin.

Isha Ku Hay Baligubadlemedia

COMMENTS