BALIGUBADLE MEDIA
Taliska Booliska Somaliland oo Ka Hadlay Hawlgalo Ciidamadda Amnigu Ka Wadaan Dalka
September 12, 2020 - Written by editor

Taliyaha Ciidamada Booliska Somaliland Sareeye Guuto Maxamed Aadan Saqadh ayaa Sheegay in Ciidamada Booliska gacanta ku soo dhigeen 13 Qof oo looga shakiyay in ay maleegayeen falal Argagixiso.

Taliye Dabaale ayaa warkan Ku Baahiyay Barta uu ku leeyayay Facebook.waxaana ay u dhignayd sidan.

“Ciidamadda ammaanka Jamhuuriyadda Somaliland ayaa 48 saacadood ee la soo dhaafay qabtay 13 qof oo looga shakisanyahay inay maleegayeen weeraro argagixiso oo xidhiidh ah oo lala beegsanaayay Magaalooyinka Hargeysa iyo Burco.

Booliiska ayaa sidoo kale qabtay hub iyo walxaha qarxa,ciidamadda amaanku waxay sidoo kale ku daba jiraan xubno kale oo loo tuhmayo in falkani ay lug ku lahaayeen.

Hubso ciddaad ka kiraynayso gurigaaga, qolada hudheelada waxaa iga digniin ah ha hubsadaan cidday hudheelada ka kiraynayaan

Isha Ku Hay Baligubadlemedia.com

COMMENTS