BALIGUBADLE MEDIA
Munaasibad Lagu Soo Bandhigayay Buuga Better Reference For English Grammar Ayaa Maanta Lagu Qabtay Hotelka Mango Garden ee Hargeysa
September 15, 2020 - Written by editor

Munaasibadan oo ahayd mid bilan islamarkaana si wayn loo soo agaasimay ayaa lagu soo bandhigayay buuga better reference for English grammar kaas oo uu Qoray aqoonyahan mustafe xasan daahir (Wasiirka)

qoraaga buuga mustafe xasan daahir oo lagu naanayso Wasiirka oo isagu Munaasibada ka hadlay ayaa ku dheeraaday marxaladihii kala duwanaa ee uu soo maray buugu sidoo kale waxa goobta ka hadlay gudoomiyaha Xisbiga ucid faysal cali waraabe dr’s Edna Aden Ismaaciil Ganacsadde Axmed Cismaan Geele wasiirkii hore ee Qorshaynta Qaranka Maxamed Ibraahin aadan qabyo tire, wasiirkii hore ee cadaaladda xuseen Axmed Caydiid hogaamiyaha Xisbiga waddani Xirsi cali xaaji xasan, cabdikariin axmed mooge iyo sidoo kale Maamulayaasha dugsiyadda faarax oomaar Iyo Maxamud Axmed cali iyo marti sharaf kale

Dhamaan madaxda iyo Marti sharafta kasoo qaybgashay Xafladda ayaa ku dheeraaday ahmiyadda buugani uu leeyahay da’yarta iyo guud ahaan qaranka Waxaanay qoraaga buuga ku amaaneen inuu tacabkiisa iskugu geeyay sidii uu bulshadiisa ugu faa’idayn lahaa

COMMENTS