BALIGUBADLE MEDIA
Mujahaid Xasan Ciise oo Dhambaal Tacsiya U Diray Ehelkii Iyo Qaranka Somaliland ee uu Ka Baxay Marxuum Cali Sandule
September 13, 2020 - Written by admin

Madaxwayne Ku Xigeenkii U Horeeyay ee Somaliland Ahna Gudoomiyihi Ururka Xaqsoor Xasan Ciise Jaamac ayaa Tacsi Tiiraanyo leh u diray Gudoomiye Ku Xigeenkii ururka xaqsoor Cali Sandule oo Ku Geeroyooday Hargeysa laguna Aasay maalintii shalay isla magaaladda hargaysa

Mujaahid Xasan Ciise Jaamac oo Isagoo Ku Sugan Magaaladda Hargeysa ayaa Shabakadda Caalamiga ah ee Baligubadlemedia soo Gaadhsiiyay Dhambaal Tacsiya oo uu ku saxeexan yahay ayaa Xusay in marxuumku kaalin wayn ku lahaa Dib ugu soo noqoshadii Dalka isagoo sheegay inuu qayb wayn qaatay dibucurashadii dawladnimadda Somaliland islamarkaana uu xukuumadihii kala dambeeyay ee Somaliland kasoo qabtay xilal kala duwan.

Ugu dambayntii Mujaahidka ayaa ilaahay uga baryay inuu naxariistii janno ka waraabiyo marxuumka ehelkii iyo qaraabadii uu ka baxayna samir iyo iimaan saadiqa ka siiyo aamiin aamiin

Isha Ku Hay Baligubadlemedia

COMMENTS