BALIGUBADLE MEDIA
Yaa Ka Dambeeya Shirqoolka Loo Dhigay Astaan Cable Iyo Maamulkiisa ?
August 2, 2020 - Written by editor

Somaliland tan iyo intii uu xukunka qabtay madaxwayne biixi waxa soo baxaya dagaalo culus oo xubno kamida qoyska madaxwayne biixi kula jiraan shirkadaha ka ganacsadda dalka

Dagaaladan oo ah qaar aan hore looga baran dawladihii hore ee dalka soo maray ayaa ah dhaqan cusub oo ay xukuumadda Madaxwayne biixi soo kordhisay kadib markii taladii dalku gacanta u gashay kooxo budhcad ah oo kasoo jeeda qoyska Madaxwayne Biixi kuwaas oo uu kamid yahay wiilka madaxwaynuhu dhalay ee maxamed muuse Biixi isagoo arintii ugu dambaysay ee uu sameeyay tahay kadib markii uu kooxo budhcad ah oo ka amarqaata isaga uu u diray maamulaha astaan cable kuwaasoo qafaashay islamarkaana dhawr cisho ku haystay guri markii dambena u gudbistay laamaha amaanka ee dalka

Arintan ayaa cid kasta oo maqashay ka fajicisay islamarkaana fadeexad ku ah nidaamka xorta ah ee ka jira somaliland

Hadaba halkee ayuu wiilka madaxwaynuhu kala qaaday astaan cable?

Waxa jira warar arintaa ku saabsan oo soo baxay maalmihii u dambeeyay islamarkaana sheegaya in wiilka madaxwaynuhu doonayo inuu furto Telefishan nooca astaan oo kale ah islamarkaana kireeya receiverada filiminaanta iyo ciyaaraha kaasoo loo Bixiyay sky cable tv islamarkaana la doonayo in suuqa lagaga saaro astaan cable iyadoo la adeegsanayo awooda Dawladeed ee dalka ka jirta arintaas oo sheeko iyo shaahid aan hore uga dhicin dalka islamarkaana ah dhaqano cusub oo ay soo kordhisay xukuumadda madaxwayne biixi

Si kastaba ha abaatee dhaqanadda noocan ah ayaa dhaawac wayn u gaysanaya Midnimadda umadda Somaliland iyo dawladnimada islamarkaana dalka ka horseedaya nidaam cusub oo budhcadnimo dawladaysan ah

Isha Ku Hay Baligubadlemedia

COMMENTS