BALIGUBADLE MEDIA
Ninkii madowga ahaa ee 7-da xabadood lagu tiriyay oo katiinadii laga furay
August 29, 2020 - Written by admin

Sidee ayay u dhacday toogashada Blake?

.

Jacob Blake, ninkii madwoga ahaa ee ay booliska dhabarka kaga toogteen gobolka Wisconsin ee Mareykanka ayaa lagu oo warramayaa in laga furay katiinaddii uu ku xirnaa gudaha isbitaalka.

Booliska Kenosha ayaa sheegay in Mr Blake uu u xirna waarankii horay loogu jaray, katiinaddana ay ahayd sharci iyo siyaasad u degsan booliska.

Qareenkiisa ayaa warbaahinta Mareykanka u sheegay in haatan meesha laga saaray waarankaasi, booliskii ilaalinayayna Mr Blake haatan ay ka tageen isbitaalka.

Mr Blake ayaa qarka u saaran inuu curyaamo kaddib markii ay booliska ku tiriyeen 7 xabadood, ilaa haatanna ma cadda in Blake uu marlabaad ku soconayo cagihiisa.

Dhanka kale waxaa muddo bil ah dib loo dhigay dhageeysiga dacwadda wiil dhalinyaro ah oo loo haysto dilka laba qof oo qeyb ka ahaa dibadbaxyada looga soo horjeeday toogashadii Jakob.

Toogashada Blake ayaa waxay horseedday dibadbaxyo rabshada wata oo ka dhacay magaalooyinka Mareykanka. Waxaa la sheegayaa in labadii habeen ee la soo dhaafay ay xaaladda yara daganayd.

Maayarka Magalada Kenosha John Antaramian ayaa Jimcihii sheegay in bandowga saaran guud ahaan magaalada uu sii socon doono.

Ciidamada Ilaalada Qaranka oo 1000 kor u dhaafaya ayaa lagu daad gureeyay Kenosha, sida ay sheegeen maamuulada.

Maxay qoyskiisa yirahdeen?

Aabaha Mr Blake ayaa weriyaasha kula hadlay isbitaalka ka dib markii uu wiilkiisa soo booqday.

“Aad ayaan u dhibsaday inaan arko isagoo katiinadeysan oo saaran sariirta,” ayuu yiri. Meelna ma aadi karo ee maxay tahay sababta aad sariita ugu haysaan isagoo xiran?”

Aabaha Mr Blake
Aabaha Mr Blake

Sidee ayay u dhacday toogashada Blake?

Taliska booliska magaalada Kenosha ayaa sheegay in “toogashada uu askariga fuliyay” ay dhacday waqti ka dambeeyay 17:00 ee maalintii Axadda. Waxay intaas ku dareen in askariga uu gargaar deg deg ah u sameeyay Mr Blake, durbana loo qaaday isbitaalka deegaanka Milwaukee.

Waxay saraakiishu sheegeen in booliska ay markaas ka falcelinayeen “dhacdo la xidhiidhta qoys” balse wax faahfaahin ah kama aysan bixinin waxa sababay toogashada.

.

lineWaaxda caddaaladda ee gobolka Wisconsin ayaa hadda baadhitaan ku wadda dhacdada. Waxay mas’uuliyiinteeda sheegeen in askartii falkaas ku lug yeelatay loo diray fasax ku yimid amar dhinaca maamulka ah.

Muuqalaka lagu shaaciyay baraha bulshada ayaa laga daawaday saddex askari oo hubkooda ku jeedinaya nin lagu sheegay inuu ahaa Mr Blake xilli uu isaguna markaas kusii socday gaadhi noociisu yahay SUV oo meel u dhow yaallay.

Markii uu albaabkii gaadhiga iska furay uu uu gudaha sii galayay, ayuu askari shaatiga kasoo jiiday rasaasna ku furay. Dhawaaqa ilaa toddoba xabbadood ayaa laga maqlayaa muuqaalka, iyadoo markaasna dad goob joogeyaal ah ay qeylinayeen.

Askartii dhacdadan ku lug lahayd wali magacyadooda lama shaacinin.

Qareen caan ah oo u dooda xuquuqda aadanaha, oo lagu magacaabo Ben Crump, ayaa telefishinka CNN u sheegay in qoyska Mr Blake ay lasoo xidhiidheen kana dalbadeen caawinaad.

Toogashadan ayaa timid xilli ay Mareykanka ka taagan tahay xiisad xasaasi ah oo ka dhalatay cadhada laga muujiyay tacaddiga loo geysto Mareykanka-madow, kaddib dilkii dhowr bilood ka hor loo geystay George Floyd.

George Floyd
George Floyd

COMMENTS