BALIGUBADLE MEDIA
Doorashooyinka Somaliland Ma U Muuqdaan Qaar Ku Qabsoomaya Sanadkan ?
August 2, 2020 - Written by admin

Xisbiyadda Somaliland ee saddexda ah ayaa dhawaan shaaciyay heshiis ay sheegeen inay ka gaadheen khilaafkii mudada taagnaa ee doorashooyinka balse waxa hubaala in caqabado badani ku gadaaman yihiin qabsoomida Doorashooyinka isku sidkan ee golaha Wakiiladda iyo golayaasha deegaanka

Caqabadaha ku gedaaman qabsoomida doorashooyinka waxa kamid ah

Wakhtiga la qabtay oo aan macquul ahayn

Xeeerka saami qaybsiga oo aan wali bislayn

Caqabado ka taagan xeerka caasimadda oo keenay in dadwaynaha caasimadda qaar kamid ahi ka biyo diidanyihiin mmasaafooyinka kala gadisan ee ay caasimadda u jiraan deegaanadda kala gadisan ee laga codaynayaa

Iyo sidoo kale guux lagaga soo Horjeedo xeerka Goboladda iyo degmooyinka golaha wakiiladu ansxiyeen

Si kastaba ha ahaatee iyadoo aan waxba laga qaban caqabadaha aynu soo sheegnay marnaba Suurta gal maaha inay doorasho Dalka ka dhacdo.

Mana muuqato ilaa iyo hadda dedaalo muuqda oo wax lagaga qabanayo caqabadaha ku gedaaman doorashooyinka

Isha Ku Hay Baligubadlemedia

 

 

COMMENTS