BALIGUBADLE MEDIA
Wararkii U Dambeeyay ee Wada Xaajoodka Somalida Iyo Wada-hadaladii Somaliland Iyo Somaliya oo Socda
June 17, 2020 - Written by editor

Wada Xaajoodkii Somaliland iyo Somaliya ee waddanka jabuuti ayaa dib u bilaabmay goordhawayd kadib markii fiidkii caawa lagu kala kacay kulankii socday

Madaxwaynaha jabuuti ismaaciil cumar Geele ayaa ka hawl galay inuu waftiga Somaliland ee Shirka ka kacay ku celiyo waxaana hadda dib u socda wada hadaladii dhexmarayay labadda dhinac

Wada xaajoodka ayaa fiidkii hore ee caawa lagu kala kacay kadib markii la isku mari waayay qodob sheegayay isu socodka labadda dhinac kaasoo waftiga Somaliland ka biyo diideen balse madaxwayne geele oo kamida ergooyinka labadda dhinac ayaa waftiga somaliland Dib Ugu celiyay Wadahadalka kaasoo imika socda isagoo bilaabmay goor dhawayd

Lama garanayo in qodobkii la isku hayay laga heshiiyay iyo in kale balse kulanka labadda dhinac ayaa hadda dib u socda.

Wixii war ah ee dambe ee kasoo baxa kulanka kala soco Baligubadlemedia

Isha Ku Hay Baligubadlemedia

COMMENTS