BALIGUBADLE MEDIA
Waa Kuma Safiirka Carbeed ee Maanta Ku Geeriyooday Magaaladda Muqdisho ?
May 24, 2020 - Written by admin

Waxaa saaka gudaha magaalada Muqdisho ku geeriyooday safiirkii Jaamacadda Carabta u qaabilsanaa arrimaha dalka Soomaaliya, Danjire Xamuud Samraan Al-Xuwayti.

Ilo lagu kalsoon yahay ayaa Warbaahinta u soo dusiyey in Al-Xuweyti uu ku soo booday xanuun deg-deg ah, kadibna uu geeriyooday markii la geeyey xarun caafimaad.

Ma jirto illaa iyo hadda faah faahin intaasi ka baxsan oo laga bixiyey geerida ku timid, Allaha u naxariistee Marxuum Xamuud Al-Xuweyti.

Soomaaliya ayaa xubin buuxda ka ah Jaamacadda Carbta, iyada oo ka mid noqotay sanadkii 1974-tii, waxaana ururkan ku mideysan wadamo badan oo Carbeed.

Qoraal ka soo baxay xukumada Farmaajo:-

Isha Ku Hay Baligubadlemedia

COMMENTS