BALIGUBADLE MEDIA
Shiinaha Iyo Maraykanka oo Jawigooda Siyaasadeed Is Bedelay
May 25, 2020 - Written by admin

Wasiirka arrimaha dibedda Shiinaha Wang Yi ayaa maanta si dadban ugu eedeeyay madaxweynaha dalka Mareykanka Donald Trump in uu dagaal kale oo qabow gelinayo labadooda dal.

Mr. Wang Yi oo aan soo hadal-qaadin magaca madaxweyne Trump ayaa sheegay in “xunbo siyaasiyiin ah” ay doonayaan in ay foodda isu geliyaan dagaal qabow labada dal ee saaxiibada ah ee Shiinaha iyo Mareykanka.

Loollan in muddo ah soo jiitamayay oo dhinacyada ganacsiga iyo xuquuqda aadanaha ayaa u dhaxeeyay labadaasi dal, balse waxaa ay xaaladdu ay cirka isku sii shareertay kaddib markii uu soo shaac baxay cudurka coronavirus oo ay labada dalba isku eedeeyeen in uu midba midka kale abuuray.

Wang ayaa shir jaraa`idkiisan maanta ku sheegay in gudaga dalka Mareykanka ay sidoo kale ka socoto virus siyaasad ah marka laga soo tago coronavirus.

Madaxweynaha dalka Mareykanka Donald Trump ayaa muddooyinkii u dambeeyay cagta-cagta u saaray Shiinaha, waxaana uu la galay dagaal dhanka dhaqaalaha ah iyo waliba siyaasaddii Mareykanka ee ku aadaneyd Shiinaha oo uu wax weyn ka badalay markii uu xukunka qabsaday.

Isha Ku Hay Baligubadlemedia

COMMENTS