BALIGUBADLE MEDIA
Mujaahid Muuse Giire Jaamac Kadiye oo Goor Dhawayd Ku Geeriyooday Hargeysa
May 22, 2020 - Written by editor

Mujaahid muuse giire Jaamac kadiye oo kamid ahaa mujaahidiintii snm xilal kala duwan kasoo qabtay xukuumadihii kale dambeeyay ee somaliland islamarkaana markii ugu dambaysay ahaa gudoomiyaha jimciyadda sooyaal ayaa maanta ku geeriyooday magaaladda hargeysa

mujaahid muuse giire  ayaa kamid ahaa aasaasayaashii ururkii snm sidoo kalena kaalin wayn ku lahaa halganadii kala dambeeyay ee dalka

mujaahidka oo tobankii sanno ee u dambeeyay xaalad caafimaaad u jiifay hoyga uu ka daganyahay hargeysa ayaa maanta ku geeriyooday isla caasimadda somaliland ee hargeysa

dhamaan maamulka iyo hawlwadeenadda shabakadda Baligubadlemedia waxay tacsi tiiraanyo leh u dirayaan qoyskii qaraabadii iyo qaranka somaliland ee uu ka baxay mujaahidku iyagoo ilaahay uga baryaya inuu naxariistii janno ka waraabiyo aamiin aamiin

Isha Ku Hay Baligubadlemedia

COMMENTS