BALIGUBADLE MEDIA
Madaxweyne Biixi Oo Maxaabiis Badan Cafiyay
May 19, 2020 - Written by editor

Madaxwaynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi ayaa Cafis U Fidiyay Maxaabiis Ka Badan 300 oo maxbuus kuwasoo ku xidhnaa jeelasha kala duwan ee dalka sida lagu sheegay digreeto madaxwayne oo kasoo baxday xafiiskiisa taas oo u dhignayd sidan:

Waxaan Go’aansaday;

In laga bilaabo taariikhda maanta aan Cafis Guud u fidiyo, Xuska Maalinta 18-ka May darteed, Maxaabiista dembiyada fudud ku xukuman ee xabsiyada dalka ku xidhan, oo tiradoodu dhan tahay 365 (Saddex Boqol iyo Shan iyo Lixdan) maxbuus. Cafiskani saamayn kuma laha xuquuqda madaniga ah iyo raadka ciqaabeed ee ka dhalanaysa dembiyadda ay ku xukunnaayeen, sida ku xusan qodobka 92 ee Xeerka Ciqaabta Guud. Waxa cafiskan fulinaya Xafiiska Xeer Ilaaliyaha Guud ee Qaranka, iyada oo la raacayo liiska Maxaabiista.

Isha Ku Hay Baligubadlemedia

COMMENTS