BALIGUBADLE MEDIA
“Waan Kuu Rari Ee Kuma Furo”Cali Gurey”
March 20, 2020 - Written by admin

Dawladda Muqdisho. “Yaakhii Haddaba Annagu Waan Kuu Rari Karnaa hadhowse Kuuma Furi Karno”

Dawladda Muqdisho waa suurtogal in xiliyada qaar ay dhibaato caam ah sida tan maanta jirta oo kale ay joojin karto duulimaadyada ka soo degaya Hargeysa. Balse iyada ogolaanshaha duulimaadyada ma laha haddii ay fasaxdana waxba kama jiraan. Dawladda Muqdisho way og tahay bulshada caalamku in haddii ay u raraan aanay u furi doonon. Waxa ka faaiidaysatay dawladda Xamar gefka go’aankii Somaliland oo si qalddan u soo baxay. Go’aanka Xukuumadda Somaliland waxay ahayd in uu noqdo mid caam oo ay ku joojinayso dhamaan duulimaadyada caalamiga ah muddo xaddidan ama aan xaddidnayn. Hadda Muqdisho waxay odhan doontaa goor ay noqotaba waanu fasaxnay. Somaliland xukuumadeedu maxay yeeli doontaa? Anigu waxan leeyahay haddii go’aankii hore ay shirkadaha diyaaraduhu ku qasbameen inay u hogaansamaan Somaliland miyay ku qasban tahay iyadu inay u hogaansanto go’aanka dambe ee Muqdisho ay ugu ogolaan doonto duulimaadyada caalamiga ahi inay ka degi karaan Madaarada Somaliland. Hadda waxa la leeyahay waxay ogolaadeen duulimaadyada Ethiopian Airline oo maanta ay ka celiyeen Madaarka Hargeysa inay ka degto. Somaliland maxaa uga yaal? Ugu yaraan miyaanay ahayn in codsi hor leh ay ku qasabto oo micnuhu yahay ogolaanshihii Muqdisho waa waxba kama jiraan

Isha Ku Hay Baligubadlemedia

COMMENTS