BALIGUBADLE MEDIA
Farmaajo & Biixi Telefoon Bay Ku Wada hadleen
March 20, 2020 - Written by admin

Waxa Qoray Maxamed Haaruun Biixi
Warar xog-ogaal ah ayaa la iigu xaqiijiyay in Madaxweyne Biixi iyo Madaxweyne Farmaajo ay shalay subaxdii hal cabaar ah tel ka kaga wada hadleen sidii duulimaadyadii diyaaradaha ee Hargeysa u socday xanibaadda looga qaadi lahaa, ama uGu yaraan loo khafiifin lahaa. Waxa ay u badantahay sida aan warka ku hayo, in usbuuca soo socda wax is bedelayaan oo duulimaadyo xadidani Hargeysa iman doonaan. Waa soo dhawaynayaa in madaxdu wada hadasho. Wixii duulimaadada ka waynaa ee muhiimka ahaa na ha laga wada hadlo. Soomaalidu isma af garan waydo hadii ay wada hadasho.

Isha Ku Hay Baligubadlemedia

COMMENTS