BALIGUBADLE MEDIA
Somaliland oo Iskiu Bedeshay Xabsi Siyaasadeed Dadka Lagu Xidho
December 27, 2019 - Written by admin

madaxwaynaha somaliland muuse biixi cabdi ayaa noqonaya madaxwaynihii ugu horeeya ee shaqadda ku fashilma muddo laba sanno gudahood ah arintaas oo wali hore uga dhicin somaliland

muuse biixi oo lagu yaqaan qalafsanaan iyo macangagnimo ayaa jamhuuriyadda somaliland ka dhigay meherad yar oo qoyskiisu leeyahay islamarkaana uu siduu doono ugu takri falo arintaas oo mugdi badan galinaysa dawladnimadii somaliland ku faani jirtay.

 

muuse biixi oo u muuqda shakhsi lacag iyo aduun urursi ah ayaan wax dan ah ka lahayn inuu majaro wanaagsan ku hago somaliland balse awoodiisii iskugu geeyay sidii uu hanti urursi wayn u gali lahaa taasoo keentay in shacabka iyo isagu khaati isla istaagaan muddo laba sanno gudahood ah oo uu wadi kari la’yahay dalka

si kastaba ha ahaatee waxa Madaxwayne biixi la gudboon inuu istiqaaladda dhiibo isagoo u tudhaya dalka iyo dadka maadaama oo uu ku fashilmay taladii dalka somaliland uu ka dhigay goob lagu xidh xidho dadka muwaadiniinta ah

Isha Ku Hay Baligubadlemedia

COMMENTS