BALIGUBADLE MEDIA
SAREYNTII SHARCIGU MIYEY SAQIIRTAY MADAXWEYNE
December 19, 2019 - Written by editor

waxaan Bulshada Somaliland U Soo Bandhigayaa Duudsi ay Xukuumadu Kula Kacday Xuquuqdii (Diyadii)Marxuum Bashiir Maxamuud Cige Oo Ku Dhintay Qarax Miino Sanadkii 2013 kaas oo Ka Dhacay Kaam ayey Deganayd Hay’ada Miino Saarka Ee Hallo Trust Oo Ku Yaalay Tuulada GIDHAYS Degmada Sheekh Ee Gobalka Saaxil, Waxaana Goobta Tegey Ciidanka booliiska Waxayna Cadeyn ka sameyeen Shilkaa uu Marxuumku ku Geeriyooday Dacwad Ayaana Laga Furay Maxkamada gobolka Saaxil Waxay Hay’adaa Hallo Trust Ku Xukuntay Diyadii Marxuumka Oo Waafaqsan Shareecada Islaamka Maxkamadii Rafcaanka Ee gobolka Saaxilna Waxay ayiday Xukunkii Maxkamada gobolka Saaxil, Maxkamada Sare ee Somaliland Ayaa Iyaduna Labadeedii Derajo Ayiday Xukumadii Hore Waxaanay Soo Saartay Qaraar Fulin ah Oo Hay’adaa Hallo Trust Lagu fulinayo Diyadii Marxuumka ee Soo Martay Jaranjarooyinkii Sharci

HADABA Waxaa Nasiib daro Ah In Xukuumadii Muwaadinka Ilaalin lahayd Xuquuqdiisa Ay Diido In Hay’adaa ay Ku fulliso Diyadii Marxuumka Iyadoo Wasiirka Arimaha Gudaha Kaahin uu ka goes adaygay in uu Muwaadinka Xaqiisa Uga Qaado Hay’adaa Inagoo Og in ay Xukuumada Kulmiye ay ku ololaysay sareynta Sharciga Balse ay Muwaadinkii ay masuulka ahaayeen ay ka door bideen difaacida Hay’adaa DHacdadan oo Sababi karta In annaga (ehelka) Marxuumka aanu Sharciga Gacanta Ku qaadano Mar Hadii Ay Xukuumadu Sharci Ilaalin wayday ugu dambayn waxaanu Xukuumada ugu baaqaynaa in Sida ugu dhaqsaha badan ay u fuliso Xukunkaa ka soo baxay maxkamadaha Qaranka Inta Aanu Dulqaadku Naga Dhamaan

Cabdilaahi Aadan Abokor

Burco/Somaliland

COMMENTS