BALIGUBADLE MEDIA
Trump Oo Booqasho Lama Filaan Ah Ku Tegay Mid Kamid Ah Dalalka Ugu Khatarta Badan Caalamka + [ Sawiro ]
November 29, 2019 - Written by admin

Madaxweynaha dalka Mareykanka, Donald Trump ayaa booqasho aan la shaacinin ugu tegay ciidamada Mareykanka ee jooga dalka Afghanistan.

Madaxaweyne Trump ayaa sheegay in wadahadal uu u socdo kooxda Taliban iyo Mareykanka.

“Taliban waxay doonayaan heshiis”, ayuu Trump u sheegay askarta Mareykanka ee ku sugan saldhigga Bagram, halkaas oo uu sidoo kale kula kulmay madaweynaha dalka Afhghanistan, Ashraf Ghani.

Booqashadan ayaa ahayd mid uu madaxweynaha ugu mahadcelinayay ciidamada Mareykanka ee jooga dalkaas, kaddib markii ay maxaabiis kala baddasheen Talibaan, arrintaas oo uu Mareykanka sheegay in looga golleeyahay sidii markale dib loogu bilaabi lahaa wadahadallada labada dhinac.

Waxaa kale oo uu Trump sheegay in Mareykanka uu dhimayo ciidanka ka jooga dalka Afghanistan.

Ciidamo gaaraya 13 kun oo askarta Mareykanka ayaa ku sugan dalka Afghanistan, kuwaas oo halkaas la geeyay 18 sano kahor, kaddib markii uu Mareykanka farageliyay dalkaas, si xukunka looga tuuro Taliban.

Arrintaas ayaa loo sababeeyay weerarkii lagu qaaday daaraha dhaadheer ee Mareykanka.

Booqashada Trump ayaa kusoo aadday toddobaadyo un kaddib markii la fasaxay labo aqoonyahan oo u dhashay dalalka reer galbeedka, kuwaas oo la qafaashay sanadkii 2016-kii. Maxaabiistan ayaa lagu baddeshay saraakiil sare oo ka tirsan Taliban, kuwaas oo ay gacanta ku dhigtay dowladda Afghanistan.

“Waxaan kulamo la yeelaneynaa Taliban, waxaan horay ugu sheegnay in xabbad joojin la sameeyo, balse ma aysan dooneynin xilligaas, haddase diyaar ayay u yihiin,” ayuu yidhi Trump oo ka hadlayay saldhig ku yaalla meel aan ka fogeyn caasimadda Kabul.

Ma cadda sida wadahadalladaas looga guul gaaray iyo waxa la isku afgartay.

Dowladda Afghanistan ayaa in mudo ah dalbaneysay xabbad joojin, hasayeeshee kooxda Taliban oo maamusha dhul badan oo dalkaas ah ayaa diidday dalabka dowladda, waxaana ay sidoo kale horay ugu gacan seyreen wadahadal toos ah oo ay la galaan Dowladda Afghanistan.

Saraakiil sarsare oo katirsan Taliban ayaa magaalada Doha ee dalka Qatar kula kulmay saraakiil kale oo ka socotay dowladda Mareykanka, hasayeeshee waxaan wali si rasmi ah u bilaabannin wadahadallada tooska ah.

Trump ayaa waxaa kale oo uu shaaciyay in 8,600 oo askarta Mareykanka ah la dhimi doono, inkastoo uusan sheegin xilliga ay ka baxayaan dalkaas.

Madaxweyne Trump ayaa dalka Afghanistan gaaray saacadda dalkaas markay ahayd 20:30 fiidnimo, waxaana uu kasoo laabtay kahor saqda dhexe.

Safarka madaxweynaha oo aan la shaacinin sababo amni darteed ayaa Aqalka Cad ee dalka Mareykanka waxaa uu xaqiijiyay in uu jiray qorshe lagu muujnayo in aan la dareemin safarka madaxweynaha, oo waxaa sawirro lasoo dhigay akoonnada uu madaweynaha ku leeyahay baraha bulshada.

Markii uu Trump tegay dalka Afghanistan, waxaa halkaas kusoo dhaweeyay oo salaamay taliyaha guud ee ciidamada Mareykanka Generaal, Mark Milley oo toddobaadkan sheegay in rajo wanaagsan laga qabo in guul laga gaaro wadahadallada Mareykanka iyo Taliban.

Madaxweynaha Afghanistan, Ashraf Ghani ayaa u mahadceliyay ciidanka Mareykanka oo uu sheegay in ay dadaal badan u galeen sidii loo xasilin lahaa dalkiisa, balse marnaba ma uusan soo hadal qaadin wadahadallada Mareykanka uu sheegay in uu kula jiro kooxda Taliban.

Isha Ku Hay Baligubadlemedia

COMMENTS