BALIGUBADLE MEDIA
Somalia Oo Helaysa Hub Qiimihiisu Yahay $27 Milyan
November 29, 2019 - Written by admin

Warbixin lagu qorey Defenceweb, ayaa lagu sheegay in Shirkadda soo saarto Gaadiidka kala duwan ee Ciidanka ee lagu magacaabo Navistar la siiyey qandaraas mashruuc ay gaadiidka dagaalka ku geyneyso Soomaaliya .

25 Bishaan November ayaa shirkadda Navistar la siiyey heshiis ku kacaya $26,748,087 Milyan oo dollar oo ay ka heshay Wasaaradda Gaashaandhigga Mareykanka, waxaana lagu sheegay heshiiskaas inuu yahay mid qiimihiisu go,an yahay.

Shirkaddaan ayaa lagula heshiiyey inay Ciidanka Soomaaliya usoo saarto laba nooc oo ah gaadiidka ciidamada oo dhex dhexaad ah oo ah kuwa ganacsi ahaan loo soo saaro gaar ahaan noocyada 6×6 General Transport Truck iyo 6×6 Wrecker Vehicle Recovery Truck oo wato qalabkii lagu dayactiri lahaa.

Sida heshiiska dhigayo Shirkadaan ayaa laga doonayaa inay gaadiidkaas iyo qalabka dayactirka ay Soomaaliya gaarsiiso sanadka 2022 laguna wareejiyo Dowladda Soomaaliya.

Gaadiidka la filayo inay shirkadaan Soomaaliya keento ayaa waxaa kamid ah 7000-MV oo ah kuwa qaado xamuulka dhulka ayna isticmaalaan inta badan ciidamada Dowladaha Adduunka.

Gawaaridaan ayaa la sheegay in midkiiba uu qaadi karo culeys gaarayo ilaa 5 Tan, waxaana xusid mudan inuu leeyahay qol lagu keediyo hubka, waxaana markiiba raaci karo 20 Askari, waxaana sidoo kale kamid ah gawaaridaas kuwa qaadi karo illaa 13 Tan, Askari iyo Kunteenarada sahayda loogu qaado ciidamada.

Somalisan

COMMENTS