BALIGUBADLE MEDIA
Gudoooiye Saleebaan oo Cayimay Wakhtiga La Samaynayo Muddo Kordhinta
November 16, 2019 - Written by admin

Guddoomiyaha Golaha Guurtida Somaliland Md Saleebaan Maxamuud Aadan ayaa daboolka ka qaaday in madaxweyne Biixi u soo gudbiyay warqadda muddo kordhin loo samaynayo Golaha Wakiillada Somaliland.

Waxa uu sheegay in loo xilsaaray guddi qiimaysa muddada loogu dari karo xilka Golaha wakiillada, islamarkaana waxa loo ballamay Maalinta Isniinta oo la filayo in wakhtiga ay guddidu soo jeediso loo kordhiyo Golaha Wakiillada.

Golaha Wakiillada waxa la doortay 2005 muddo shan sanno ah oo ku eekayd 2010 laakiin, ilaa hadda waxa ay xilka ku fadhiyaan muddo kordhino isdaba joog ah oo ay u sameeyaan Guurtida oo iyaga laftoodu isu kordhiya maaddaama markasta muddo xileedkoodou ku eeg yahay sanad kadib marka doorashada Wakiilladu dhacdo.

Goleyaasha degaanka ayaa sidoo kale wakhtigu ku dhammaaday waxaanay ku shaqeeyaan iyada oo aan wax muddo kordhin ah loo samayn.
Daawo: Golaha Guurtida Oo La Isugu Yeedhay Muddo Kordhinta Wakiillada
Ilaa hadda lama qiyaasi karo wakhtiga doorasho ku dhici karto maaddaama khilaaf culus ka taaggan yahay arrimaha doorashooyinka Somaliland

Isha Ku Hay Baligubadlemedia

COMMENTS