BALIGUBADLE MEDIA
“ Jawaab Kulul Ayaan Ka Bixineynaa Weerarka Fuleynimada Ee Lagu Qaaday Markabkayaga..” Dawlada Iran
October 13, 2019 - Written by admin

Afhayeen u hadlay dowladda Iran ayaa sheegay “weerarka fuleynimada” ee lagu qaaday markab saliidda qaada oo ay Tehran leedahay loo adeegsaday gantaal, Iran ay jawaab kulul ka bixin doonto.

Wakaaladda wararka ee Iran IRNA oo soo xigatay afhayeenka xukumadda Tehran Cali Rabiic ayaa sheegtay Markabka weerarka loo geystay ee Sabit inuu marayey Jimcihi biyaha dalka Sacuudi Carabiya.

markab iiraan

Tani iyo bishi May ee sanadkan waxaa gobolka ka dhacayey weerarro loo geysanayey maraakiibta saliidda qaadda oo ay leeyihiin waddama kala duwan.

Iran waxa kale oo ay sheegtay iney baaritaanka ay ku waddo weerarkaasi uu gabagabo marayo natiijada ka soo baxda iyada oo ka duuleysana ciddi weerarkaasi ka dambeysay ay jawaab waafi ah siin doonto.

Sargaal sare oo ka tirsan laamaha amniga Iran wuxuu sheegay iney hayaan muuqaal muujinaya weerarkaasi sida uu u dhacay iyada oo muuqaalka lagu arkayo laba gantaal oo markabka lala beegsaday.

“Guddi arrintan baaro ayaa loo saaray waxayna guddiga warbixintooda ku saabsan weerarka lagu qaaday markabka saliidda qaada ee Iran waxaana loo gudbin doonaa madaxda ugu sarreysa ammaanka dalka Iran,” ayuu yiri Cali Shamkhani oo ah xoghayaha hay’adda ammaanka ugu sarreysa dalka Iran.

Wakaaladda wararka ee Sacuudi Carabiya SPA waxay sheegtay ineysan ku faraxsaneyn weerarka lagu qaaday markabkaasi inkasta oo Markabka weerarka loo geystay ay gacan siiyeen ciidamadeeda badda.

Isha Ku Hay Baligubadlemedia

COMMENTS