BALIGUBADLE MEDIA
Hoteelada Sucuudiga oo loo oggolaaday lamaanayaasha aan is qabin ee ajnibiga ah
October 7, 2019 - Written by admin

Sucuudiga ayaa lamanayaasha aan is guursan ee ajaanibta ah u ogolaaday inay qolal ka kireysan karaan Huteellada dalkaas kaddib markii boqortooyada dhawaan ay shaaca ka qaaday hab u gaara ah oo dal ku galka loogu ogolaanayo dalxiisayaasha inay tegi karaan dalkaas, waxaana sidoo kale loo debcin doonaa haweenka dalxiiska ah xeerarka lebiska ee adag.

Waxaa haweenka loo ogolanayaa inay kireysan karaan Huteelada iyagoo maxram la’aan ah.

Horraan, lamanayaasha is qaba waxaa la weyddin jiray inay la yimaadaan caddeyn isla markaasna ay soo bandhigaan warqad muujineyso xilligga ay is guursadeen.

Tallaabadan ayaa imaaneysa xilli dowladda Sucuudiga ay waddo barnaamijyo lagu xoojinayo dalxiiska dalkaas.

Horraan, lamanayaasha waxay la weydin jiray inay la yimaadaan caddeyn muujineyso inay is qabaan.

“Dhammaan muwaadiniinta Sucuudiga u dhashay waxaa laga codsanayaa inay la yimaadaan aqoonsiga qoyska ama guurka marka ay Huteelada kireysanayaan, waxbo loogama baahno muwaadiniinta shisheeye ee dalxiisayaasha ah” ayaa lagu yiri bayaan kasoo baxay wasaraadda dalxiiska dalkaas.

Haweenka shisheeye ee dalxiiska ah lagu khasbi maayo in ay xidhaan cabbaayadaha madow ee jidhka wada qariya ee dumarka Sucuudigu gashadaan, laakiin sidaas oo ay tahay ayaa in lebis anshax ka muuqdo ay qaataan. Haweenka dalxiiska ah lagu qasbi maayo in ay maxram wataan.

Dadka aan Muslinka ahayn loo ogolaan maayo in ay tagaan magaalooyinka barakaysan ee Makka iyo Madiina, khamiriguna sidiisuu mamnuuc u ahaanayaa.

Kobcinta dalxiisku waxa uu udub dhexaad u tahay dib u habaynta dhaqaale ee uu wado dhaxal sugaha taajka boqortooyada, Maxamed Bin Salmaan, ee looga gol leeyahay in la yareeyo ku tiirsanaanta boqortooyada ee Saliidda.

Qorshahani wuxu soo baxay iyada oo boqortooyada Sumcaddeedii dunida ay dhaawacday dhaliisha lagu hayo daryeelkeeda xuquuqda aadanaha ka dib markii la dilay saxafigii Jamaal Khaashoqji iyo sidoo kale dumar u ololeeya xuquuqda haweenka oo dhawaan xabsiga loo taxaabay.

Sannadkii 2017 ayaa Sucuudigu shaaciyey mashruuc weyn oo lagu horumarinayo dalxiiska, kaas oo 50 jariisadood oo ku yaal badda cas iyoo goobo kale lagaga dhisayo xarumo dalxiis oo lagu raaxaysto.

Kal hore ayaa waxa laga bilaabay meel u dhow caasimadda Riyaad dhismaha “magaalada madadaalada” ee Qiddiya, waxaana ka mid ah waxyaabaha loo samaynayo beero nasasho iyo meelo loogu talo galay tartanka baabuurta.

Isha Ku Hay Baligubadlemedia

COMMENTS