BALIGUBADLE MEDIA
Beesha Caalamka Oo Somaliland Ka Walaacsan
October 26, 2019 - Written by admin

Waddamada Beesha Caalamka ee Somaliland ka taageera dhinaca horumarka iyo dumuqraadiyadda ayaa aamminsan in dimuquraadiyadda Somaliland hoos u socoto, islamarkaana madaxda Somaliland laga la’yahay bisayl siyaasadeed iyo horusocod dhanka doorashooyinka ah.

Ergayga gaarka ah ee Midawga Yurub oo dhawaan kulamo Hargeysa kula qaatay Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi iyo hoggaamiyeyaasha mucaaradka ayaa faro madhan kala noqday dhexdhexaadinta dhinacyada oo ku muransan xubnaha cusub ee Komishanka doorashooyinka.

Xogo uu helay wargeyska Geeska Afrika ayaa sheegaya in warbixinta ergaygu ku celiyay dalalka Somaliland ka taageera horumarka iyo dimuqraadiyaddu ay muujisay in Somaliland hoos u socoto dhanka doorashooyinka si kasta oo ay wakhti iyo dhaqaale u galiyeen horusocodsiinta dimuqraadiyadda.

Waxa la filaya in ay dhambaal ay ku midaysan yihiin dalalkani soo gaadhsiiyaan madaxweyne Biixi, islamarkaana wefti kale oo culus u soo diraan maaddaama ay farta ku godayaan xukumadda oo laga la’yahay fududaynta iyo hawl socodsiinta arrimaha doorashooyinka.

Xisbiga Waddani iyo madaxweyne Biixi ayaa labadii sanno ee uu xilka yahay waxay ku muransan yihiin Komishanka taas oo noqotay caqabada koobaad ee doorashooyinka hor taaggan iyada oo ay jiraan caqabado badan oo u baahan in wax laga qabto.
Mucaaradka ayaa madaxweyne Biixi ku eedeeyay in aanu doorasho diyaar u ahayn islamarkaana uu muran bilaabayo marka khilaaf dhammaadaba laakiin, madaxtooyada lafteeda ayaa ku adkaysanaysa in ay doorasho diyaar u tahay.

Xigasho: Sayruuqnews

COMMENTS