BALIGUBADLE MEDIA
Wariyeyaasha Cabdirisaaq Good iyo Cabdiqani Asporo oo Maanta La Hor Keeni Doono Maxakamada Gobolka Maroodijeex
September 19, 2019 - Written by admin

Maxakamadda Gobolka Maroodi jeex ayaa lagu wadaa in maanta la hor keeno Wariyeyaasha kala ah Cabdirisaaq Good Nuur oo ah agaasimaha Shabakada Wararka ee Hadhwanaagnews iyo Cabdiqani Cabdilaahi Axmed (Asporo) oo isna ahaa Tifaftiraha Shabakadda Hadhwanaag

good iyo asporo
Wariyeyaashan oo goor habeenimo ah laga soo qabqabtay Magaaladda Hargeysa ayaanay xadhigooda xukuumadda oo loo tirinayaa wali ka hadal.
Sidoo kale Maxakamadda Gobolka Maroodi Jeex ayaa horaantii bishan soo saartay xukun ay dul dhigtay shabakada wararka ee Hadhwanaagnews, waxaana xilligaasi lagu amray in shirkadaha Isgaadhsiintu ay ka saaraan khadkooda, si aanay u booqanin macmiishii ku xidhnayd shabakadaasi.
Fadhiga Maanta ee ay maxakamaddu u mudaysay dhagaysiga kiiska wariyeyaashan ayaa lagu cambaareeyay baraha ay bulshaddu ku kulanto, kuwaas oo ku eedaynaya bahda garsoorka in ay qaadayaan kiiska wariyeyaashan oo xadhigooda u arkaan in uu ah mid afduub ah, maadaama markii la soo qabanayay loo adeegsaday hab xoog uu kujiro,loona diray ciidamo tiro badan.
Si kastaba ha ahaatee bishan aynu ku jirno oo keli ah Xukuumadda Talada haysa ayaa xabsiga u taxaabtay in ka badan shan wariye, kuwaas oo siyaabo kala duwan loogu xidhay Magaalooyinka Hargeysa iyo Burco, waxaanay arrintani si weyn uga hor imanaysaa Qorshihii Xukuumadda uu gadh wadeenka ka yahay Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi ay ku balan qaaday in ay kula dhaqmi doonto bahda warbaahinta madaxa Banaan.

Isha Ku Hay Baligubadlemedia

COMMENTS