BALIGUBADLE MEDIA
Shir Ay Iskugu Yimaadeen Guddida Fulinta Xisbiga Waddani Iyo Qodobada Lagaga Hadlay
September 7, 2019 - Written by admin

Guddida fulinta xisbiga mucaaridka ah ee waddani ayaa maanta yeeshay fadhigii bisha 9aad.

Fadhigan oo ka qabsoomay xarunta dhexe ee xisbiga Waddani ku leeyahay magaalada Hargeysa ayaa waxa shir gudoominayey gudoomiye Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi(Ciro) kaas oo ay ka soo qayb galeen xubnaha guddida fulinta ee xisbigaasi.

w1 w2 w3

Shirkan ayaa diirada lagu saaray qaabka ay u socdaan hawlaha doorashooyinka ee dalka ka taagan iyo qaban qaabada shirka golaha dhexe ee xisbiga oo dhawaan qabsoomi doona.

Sidoo kale shirka guddida fulinta xisbiga mucaaridka ah ee Waddani ayaa lagu falanqeeyey xaalada siyaasadeed ee dalku ku jiro.

Isha Ku Hay Baligubadlemedia

COMMENTS