BALIGUBADLE MEDIA
Madaxwaynihii Hore ee Wadanka Zembabwe Robert Mugabe oo Geeriyooday
September 6, 2019 - Written by admin

Robert Mugabe, wuxuu ahaa 95 sano jir, wuxuuna xilka wareejiyay sannad ka hor.

Wuxuu u dhintay xannuun muddo hayay, sida ay qoyskiisa BBC u xaqiijiyeen.

Mr Mugabe waxaa xilka looga qaaday afgembi militari bishii November ee sannadkii 2017-kii, taas oo soo afjartay xukunkiisii socday in ka badan 30 sano.

Wasiirka waxbarashada Zimbabawe Fadzayi Mahere ayaa Twitter-ka ku qoray “nabad ku naso Robert Mugabe.”

Wuxuu dhashay 21-kii February 1924, xilligaas oo Zimbabawe loo garanayay Rhodesia.

Wuxuu xabsi ku jiray in ka badan 10 sano ka dib markii uu eedeeyay dowladdii Gumeystaha ee Rhodesia, sannadkii 1964-tii.

Sannadkii 1973, isagoo xabsi ku jira ayaa loo doortay madaxweynaha xisbiga Zanu ee Zimbabawe kaas oo uu ka mid ahaa aasaasayaashiisa.
Sooyaalka Mugabe oo kooban

1924 ayuu Dhashay
1964: waxaa xabsi galiyay dowladdii gumeysiga ee Rhodesian
1980: Wuxuu ku guuleystay doorashooyinkii dhacay xornimada ka dib
1996: Wuxuu guursaday Grace Marufu
2000: Wuxuu ku guuldaraystay afti, kadib ciidamo taabacsan ayaa weeraray beeraha caddaanka.
2008: Kaalinta labaad ayuu galay doorashooyinkii guud ee dhacay
2017: Waxaa xilkii ka qaaday madaxweyne ku xigeenkiisii Emmerson Mnangagwa iyo militariga

Isha Ku Hay Baligubadlemedia

COMMENTS