BALIGUBADLE MEDIA
Erdogan oo digniin culus u diray Yurub
September 6, 2019 - Written by admin

Dowladda Turkiga ayaa digniin u jeedisay Yurub, iyadoo u sheegeysa in haddii dalabkeeda la fulin waayo ay qaadi doonto tallaabo culeys weyn u keeneysa Yurub.

Madaxweyne Recep Tayyip Erdogan ayaa ku gooddiyay in waddankiisa uu dib u furi doono marintii ay qaxootiga Suuriga ugu gudbi jireen qaaradda Yurub.

Wuxuu si adag Turkiga u dalbanayaa in lagu taageero sidii uu goob nabdoon oo qaxootiga ah joogi karaan looga sameyn lahaa Waqooyiga-bari ee dalka Suuriya.

Erdogan ayaa sheegay in uu u baahan yahay in laga caawiyo dhinaca istiraatiijiyadda.

“Waa in sidaas la sameeyo, haddii kale waxaan ku khasbanaan doonnaa inaan albaabbada u furno qaxootiga qulqulaya”, ayuu yiri Erdogan.

Turkiga ayaa hadda marti galiya in ka badan 3.4 malyan oo qaxooti reer Suuriya ah oo ka barakacay dagaallada sokeeye ee halakeeyay waddankooda.

Mareykanka ayaa taageersan qorshaha ay Ankara ku dooneyso in lagu dhiso “aagga nabdoon.”

Hase haatee muran badan ayaa hareeyay qorshaha, maadaama xoogagga Kurdiyiinta ee Suuriya ay ka walaacsan yihiin in Turkiga ay dad badan oo reer Suuriya ah geeyaan deegaannadaas aysan kasoo jeedin asal ahaan.
Lahaanshaha sawirka Reuters
Image caption Xoogagga kurdiyiinta ee YPG ayaa la dagaallamayay maleyshiyaadka ISIS balse waxaa bartilmaameedsaday Turkiga

Ciidamada difaaca qowmiyadda Kurdiyiinta ee magacooda loo soo gaabiyo YPG ayaa garab ka heysta Mareykanka, laakiin Dowladda Turkiga ayaa xoogaggan u aqoonsan inay yihiin dhaqdhaqaaq argagixiso ah.

Sidoo kale Kurdiyiinta qudhooda ayaa kasoo horjeeda in ciidamada Turkiga ay gudaha u galaan Suuriya, iyagoo caawinaya dadka qaxootiga ah.

Mas’uuliyiinta Turkiga ayaa doonaya in iyaga iyo Mareykanku ay si wada jir ah u maamulaan goobta nabdoon ee qaxootiga loo sameynayo.

Bbc Somali

COMMENTS