BALIGUBADLE MEDIA
Taliyaha Guud Ee Ciidamada Amisom Oo Ku Waajahan Kismaayo Oo Ay Isku Haystaan Ciidamada Kenya Iyo Itoobiya oo Ka Wada Tirsan Amisom
August 20, 2019 - Written by admin

Saacadaha soo socda ayaa la filayaa in Magalada Kismaayo ee Xarunta Gobolka Jubabda Hoose ay tagaan Saraakiil uu hoggaaminayo Taliyaha guud ee Ciidamada Midowga Afrika ee AMISOM kaas oo dhalasho ahaan kasoo jeeda dalka Itoobiya.

Socdaalka uu Maanta Kismaayo ku tagayo Taliyaha Cidiamada AMISOM Jen. Tigabu Yilma ayaa waxaa lagu sheegay arrimo la xiriira xiisada ka dhalatay diyaarad ay leeihiin Millateriga Itoobiya taas oo shalay Ciidamada Kenya ay u diideen inay ka degto garoonka diyaaradaha Kismaayo.

Taliyaha ayaa wararkau waxaa ay sheegayaan in markii uu tago Magalada Kismaayo uu saraakiisha Ciidamada Kenya iyo kuwa Jubbaland uu kala hadli doono xalinta xiisada ka dhalatay dhacdadii shalay iyo in Diyaarada loo ogolaado inay ka degto Garoonka diyaaradaa Kismaayo.

Diyaarada oo la aaminsan yahay inay saaran yihiin Ciidamo ka tirsan kuwa kumaandoosta Itoobiya ayaa shalay marki loo diiday Garoonka Kismaayo waxaa ay ka degtay Magalada Baydhabo,waxaana saraakiisha Ciidamada Itoobiya ee ku sugan Kismaayo ay horay u codsadeen in lagu wareejiyo ammaanka garoonka diyaaradaha Kismaayo, hayeeshee laga diiday.

Xildhibaano ka tirsan Baarlamaanka Soomaaliya iyo siyaasiyiin ayaa dowladda Itoobiya ku eedeeyay inay dooneyso inay faragelin ku sameyso doorashada Jubbaland, halka Ciidamada Kenya dhankooda lagu eedeeyay inay taageero siiyeen Madaxweynaha waqtiga xilheyntiisa ay dhamaatay ee Axmed Madoobe oo markale doonaya in uu noqdo Madaxweynaha Jubbaland.

Isha Ku Hay Baligubadlemedia

COMMENTS