BALIGUBADLE MEDIA
Dawlada Soomaaliya Oo Amar Duldhigtay Shirkada Diyaaradaha Ee Ethiopian Airline.
August 8, 2019 - Written by admin

Dawlada federaalka ah ee soomaaliya ayaa mar dul dhigtay diyaarada Ethiopian Airline ee duulimaadyada ku timaada garoonka Muqdisho.

Wasiirka duulista hawada iyo gaadiidka ee dawlada Soomaaliya Maxamed Cabdilaahi Oomaaroo la hadlay warbaahinta ayaa soo bandhigay amarka lagu soo rogay diyaarada Ethiopian Airline.

oomaar

Wasiir Oomaar ayaa sheegay inaanay diyaarada Ethiopian Airline u kala gooshi Karin gobolada iyo magaalooyinka soomaaliyada dhexdooda, isaga oo xusay in ganacsiga wadanka gudihiisu u xidhan yahay diyaaradaha ay leeyihiin dadka muwaadiniinta ahi.

Wasiir Oomaar oo ka hadlaya amarka uu soo saaray ayaa waxa uu yidhi “”Dayuurada Ethopian Airlines uma kala gooshi karto Magaalooyinka Soomaaliya dhexdooda sida Boosaaso iyo Muqdisho Ama Kismaayo iyo Muqdisho. Balse waxay samayn karto Mid AdisAbaba iyo Magaalo wadanka ku taal oo toos ah. Duulimaaad Magaaloyinka Wadanka gudihiisa ahna lagama ogolaan doono hadiiba ay soo soo codsadaan.”

Wasiir Oomaan ayaa sidoo kale ka hadlay heshiis qabyo ah balse diyaarada Ethiopian Airline ay samayn karto oo kaliya duulimaadyada u dhaxeeya Muqdisho iyo Addis Ababa.

Wasiir Oomaar waxa uu sheegay in sanadkii 1988 labada dawladood ay heshiis kala saxiixdeen kaasoo ogolaanayay in labada diyaaradood ay tagaan dhawr magaalo oo ku kala yaal labada wadan, hadana ay wadaan heshiis cusub oo la diyaarinayo.

Hadalkan ayaa yimid xili dhowaan shirkadaha dayuuradaha Soomaalida ay cabasho ka muujiyeen shirkadaha dayuuradaha Ethopian Airlines oo duulimaadka bilowday magaalada Garoowe, iyadoo horeyna duulimaadyo kale ugu tegi jirtay magaalooyinka Muqdisho iyo hargeysa.

Isha Ku Hay Baligubadlemedia

COMMENTS